Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNSOM oo u dabaaldegaysa xuska Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
UNSOM oo u dabaaldegaysa xuska Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 15 Luulyo 2017 – Iyadoo adduunka oo dhan laga xusayo Maalinta Xirfadaha Dhallinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Xoqhayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa mar kale xaqiijiyay muhimadda ay leedahay in tababar farsamo iyo xirfado farsamo loo fidiyo dadka da’da yar ee Soomaaliya.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Shaqo la’aanta haysata dhallinyarada aad bay u sarreysa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Heerka waxbarasho oo hooseeya iyo fursadaha lagu helo xirfado farsamo iyo tababar farsamo oo kooban ayaa ah dhibaato dhab ah oo saameyn aad u xun leh “.

 

Sida lagu sheegay qiyaasihii ugu dambeeyay ee uu sameeyay Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), Soomaaliya waxaa ka jirta mid ka mid ah shaqo la’aanta ugu sarreysa adduunka, oo boqolkiiba 33 ee dhallinyaradeeda ayaa shaqo haysta.

 

“Sababaha keena shaqo la’aanta dhallinyarada waxaa ka mdi ah farqiga u dhexeeya xirfadaha ay dhallinyarada ragga iyo haweenka ahi leeyihiin iyo kuwa ay dalbanayaan kuwa shaqada haya ama loo baahanyahay si loogu shaqeysto,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Kala duwanaanshahan wuxuu saameyn ku yeelanayaa dhaqaalaha, wuxuuna carqaladeynayaa kalaguurka loogu gudnayo Soomaaliya oo simanyahay, nabad ah, barwaaqo ah, oo loo wada dhanyahay. Ilaha dhaqaaluhu way koobanyihiin, sidaa darteed, tartanku waa mid aad u weyn, laakiin waxaa cad in haddii lagu guuldareysto in wax laga qabto waxaa la dhibaateynayaa dadka da’da yar, taasoo ka dhigaysa kuwo aad ugu u nugul in laga fa’iideysto lana xagjireeyo.”

 

Qaramada Midoobay waxay hadda 17.5 milyan ku maalgelinaysaa barnaamijyo dhallinyarada Soomaaliyeed siinaya tababar farsamo iyo kuwo xirfadeed, barayana xirfadaha loogu baahanyahay dhinacyada wax soo saarka sida caafimaadka, dhismaha, injineernimada makaanikada, beeraha iyo kalluumeysiga, iyo weliba halabuurka ganacsiga.

 

“Barnaamijyadan waa maalgashi weyn, aad bayna u qiimo badanyihiin, laakiin keligood ma dabooli karaan baahida ballaaran ee Soomaaliya ka jirta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Waxaan jecelahay inaan ka fa’iideysto fursadda Maalinta Caalamiga ee Xirfadaha Dhallinyarada si aan ugu baaqo Soomaaliya iyo saaxiibadeeda inay lacag badan ku maalgashadaan tababar farsamo iyo mid xirfadeed ee la siiyo dhallinyarada.”

 

Ergeyga Gaarka ah wuxuu intaa raaciyay in lacagta lagu maalgasho xirfadaha dhallinyarada ay tahay maalgashi lagu sameeyay Soomaaliyada waqti xaadirka maanta iyo ta mustaqbalka.  Haddii la helo waxbarasho sarreysa, xirfadaha iyo kartida loo baahanyahay, iyo fursado shaqo oo wanaagsan, dhallinyaradu waxay gacan ka geysan karaan dardargelinta horumar laga gaaro Ajendaha 2030, iyagoo xoojinaya inay dadkoo dhan helaan deegaan barwaaqo ah, la joogteyn karo, loona siman yahay.

Previous Post

Daawo Sawirada Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday Goobo Muhiim ah oo ka tirsan Jubbaland

Next Post

Madaxweynaha JF Soomaaliya oo Boqorka Sacuudiga uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Amiir C/raxmaan

Next Post
Madaxweyne farmaajo oo kormeeraya Xarumaha Ciidanka Jubbaland

Madaxweynaha JF Soomaaliya oo Boqorka Sacuudiga uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Amiir C/raxmaan

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In