Munaasabadan oo ka dhacday Xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Gobalka Banaadir , Xildhibanao katirsan Barlamaanka Soomaliyeed ee Aqalka Sare iyo Golaha shacabka Wasiir kuxigeenka wasaarada Warfafainta Dowlada Soomaliya qaar kamid ah gudoomiyaasha Degmooyinka Ururka dhalinyarada Gobalka Banaadir Fanaanin iyo qeybaha bulshada rayidka.
Munaasabadaan ayaa lagu taageeray madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo, waxaana dadkii ka hadlay ka mid ah Gudoomiya ururka dhalinyarada Gobolka Banaadir oo sheegay ahmiyad ay munaasabadan u qabteen.
Xildhibaan Cabdifitaax qaasim iyo Xildhibaan fartuun Cabdiqaadir Faarax oo munaasabada ka hadlay ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaliyed in ay u istaagan midnimada iyo hormarka dalka.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumada Soomaliya mudane Cabdullahi Colaad Rooble oo dhankiisa goobta ka hadlay waxa uu sheegay in dowlada ay ahmiyad gaar ah siin doonto Dhalinyarada Soomaliyed.
Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna kuxigeenka koobad ee maamulka Gobalka Banaadir Mudane Ismaacil Macalin Cabdi Guure oo munaasabada gabagabdeyda ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay dhalinyarad in ay yihiin xooga dalka la’aan toodna uusan dalka hormar gaari Karin.