Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay guddi la shaqeyn doona Wasaaradda Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ardayda Afrika ee jooga Shinaha oo sheegay inay heysato dayac iyo kaalmo la’aan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururuka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kulan deg deg ah gelinkii ee maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa magacaabay guddi ka kooban 10 xubnood oo Wasaaradda Caafimaadka ee dalka kala shaqeyn doona sidii looga hortagi lahaa in uu faafo cudurka coronavirus.

Dr Cusmaan Maxamuud Dufle oo ugu horeyn kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka ay isugu yimaadeen dhaqaatiirta loogana hadlay cudurka halista ah ee caalamka dhibaatada ku haya oo ay Soomaaliya wel wel ku heyso, kaasi oo si weyn looga dooday sidii arrintan xal loogu heli lahaa, maadaama uu cabsi weyn ku beeray bulshada.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa tilmaamay kulanka sidoo kale looga hadlay qaabka uu cudurka ku faafo oo ay ugu horeyso qunfaca, hindhisada, gacan qaadidda qofka xanuunka qaba iyo sida looga hortagi karo xanuunkan.

Dr Dufle ayaa ugu baaqay hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhanka caafimaadka qaabilsan in dowladda Soomaaliya laga caawiyo sidii looga hortagi lahaa caabuqa coronavirus oo hal kiis ka mid ah laga helay gudaha Soomaaliya, haatana la karantiilay muwaadinkii kiiskan laga helay.

Dr Maxamed Yuusuf Maxamuud oo ah guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii loo garab istaagi lahaa howsha adag ee ay hayso Wasaaradda caafimaadka, isla markaana la muujiyo isku duubni iyo ka wada shaqeynta sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

“Shacabkeena marka ay isku duubnaadaan wax weyn ayay soo saari karaan, runtii wacyi gelin joogta ah ayaan sameyneynaa Insha Allah, guddi ayaan sameynay guddigaas si toos ah ayay ula shaqeyn doonaan Wasaaradda caafimaadka, Alle ha nagu garab galo howsha aan qabaneyno” ayuu yiri Guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Somali Army Liberates Jannale

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Caronavirus

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Caronavirus

Madaxweyne Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Caronavirus

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In