Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay guddi la shaqeyn doona Wasaaradda Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ardayda Afrika ee jooga Shinaha oo sheegay inay heysato dayac iyo kaalmo la’aan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururuka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kulan deg deg ah gelinkii ee maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa magacaabay guddi ka kooban 10 xubnood oo Wasaaradda Caafimaadka ee dalka kala shaqeyn doona sidii looga hortagi lahaa in uu faafo cudurka coronavirus.

Dr Cusmaan Maxamuud Dufle oo ugu horeyn kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka ay isugu yimaadeen dhaqaatiirta loogana hadlay cudurka halista ah ee caalamka dhibaatada ku haya oo ay Soomaaliya wel wel ku heyso, kaasi oo si weyn looga dooday sidii arrintan xal loogu heli lahaa, maadaama uu cabsi weyn ku beeray bulshada.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa tilmaamay kulanka sidoo kale looga hadlay qaabka uu cudurka ku faafo oo ay ugu horeyso qunfaca, hindhisada, gacan qaadidda qofka xanuunka qaba iyo sida looga hortagi karo xanuunkan.

Dr Dufle ayaa ugu baaqay hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhanka caafimaadka qaabilsan in dowladda Soomaaliya laga caawiyo sidii looga hortagi lahaa caabuqa coronavirus oo hal kiis ka mid ah laga helay gudaha Soomaaliya, haatana la karantiilay muwaadinkii kiiskan laga helay.

Dr Maxamed Yuusuf Maxamuud oo ah guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii loo garab istaagi lahaa howsha adag ee ay hayso Wasaaradda caafimaadka, isla markaana la muujiyo isku duubni iyo ka wada shaqeynta sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

“Shacabkeena marka ay isku duubnaadaan wax weyn ayay soo saari karaan, runtii wacyi gelin joogta ah ayaan sameyneynaa Insha Allah, guddi ayaan sameynay guddigaas si toos ah ayay ula shaqeyn doonaan Wasaaradda caafimaadka, Alle ha nagu garab galo howsha aan qabaneyno” ayuu yiri Guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Previous Post

Somali Army Liberates Jannale

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Caronavirus

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Caronavirus

Madaxweyne Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Caronavirus

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In