Wednesday, July 6, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Haweenka gobolka Sh/dhexe oo olole nadaafadeed ka wada Jowhar

January 23, 2015
in Wararka
0
Ururka Haweenka gobolka Sh/dhexe oo olole nadaafadeed ka wada Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Olole nadaafadeed oo ay horkaceyso guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe ayaa ka socda degmada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Ololahan oo maalmihii la soo dhaafay ka soconayay Afarta xaafadood oo ay ka koobantahay magaalada Jowhar ayaa waxaa soo abaabulay ururka haweenka gobolka Shabeellaha dhexe.

Related posts

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

July 6, 2022
Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

July 6, 2022

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur (Sacdiyo Buris) oo iyadu soo kormeertay habsami u socodka ololahaasi, islamarkaana warbaahinta kula hadashay xaafadda horseed xilli ay ka socotay olole nadaafadeed ayaa sheegtay in ololahani uu yahay mid sare loogu qaadayo bilicda magaala madaxda gobolka ee Jowhar.

“Howlaha ka socda Afarta xaafadood ee magaalada Jowhar ayaan kormeer ku mareynay sida Kulmis, Buulo Sheekh, Horseed iyo Hantiwadaag, gabdhaha ka shaqeeynaya nadaafada iyo bilic soo celinta howshooda aad iyo aadeey u socotaa” ayey tiri Marwo Sacdiyo Buris oo ah gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey ku dhiiri gelisay haweenka nadaafadda in la abaalmarin doono islamarkaana an la iloobi doonin kaalinta muhiimka ah oo ay kaga jiraan bulshada iyo horumarka deegaanka.

Marwo Sacdiyo Buris ayaa hoosta ka xariiqday in ololahani nadaafadeed ay ku baahin doonto dhamaan degmooyinka gobolka oo dhan, waxeyna tilmaantay in haweenka gobolka aysan ka daali doonin ka qeyb qaadashada horumarinta adeegyada bulshada, sida nadaafadda, nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo wacyigelinta.

Waxey ugu baaqday maamulka iyo hey’adaha samafalka iney ka caawiyaan haweenka qalabka loo adeegsado nadaafadda iyo gaadiidka culus, iyadoo ka dalbatay bulshada inteeda kale iney ka qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka.

Previous Post

Saraakiisha Hey’adaha Ammaanka Oo Ka Shiray Sugida Amniga Caasimada

Next Post

Daawo Sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Riyadh

Next Post
Daawo Sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Riyadh

Daawo Sawirrada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Riyadh

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

July 6, 2022
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si dhow ula socota heshiisyadii iyo qararadii laga gaaray arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku...

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

July 6, 2022
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia. Danjiraha ayaa kulan wax ku...

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

July 6, 2022
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr.Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ayaa kulan ballaaran la yeeshay Agaasimayaasha Waaxaha, Madaxda Qeybaha iyo Mashaariicda ee...

Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhiga 4aad ee maamulkiisa

Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhiga 4aad ee maamulkiisa

July 6, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland.  ...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In