Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo cambaareeyay suxufi lagu dilay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wariye u shaqeynayay Telefishinka Kalsan ayaa maqribkii lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhejiska ayaa qeybta hoose ee kursiga darawalka loogu xiray, kaddibna la qarxiyay.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Xoghayaha Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo goordhaw la hadlay Radio Muqdisho ayaa u xaqiijiyay geerida Allaha u naxariistee Wariye Marxuum Maxamed Ibraahim Gaabow in lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa.

“Innaa Lilaahi Waa Innaa Ilaahi Raaji cuun, waxaan aad iyo aad geeri naxdin u ah in weiye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho in lagu dilay xiligii maqribka qarax gaari oo ka dhacay Degmada Wadajir, waxaana naloo sheegay in qaraxa loogu xiray gaarigiisa, isla markaana uu ku qarxay, marka wariyaha sidaas ayuu ku dhintay aad iyo aad ayaana uga xun nahay in wariye Soomaaliyeed oo wax bartay, oo aan aqaano, ee dadaalay kana baxay Jaamacadda Muqdisho, , isla markaana Jaamacadda Mekerere ee wadanka Uganda ku soo sameeyay Waxbarahada heerka labaad ee Jaamacadda, ahaana nin fir fircoon,waana cambaareyneynaa cid Allaale iyo ciddii ka dambeysay dilkaasi” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu

Xoghayaha Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa sheegay in falka uu ahaa mid u dhacay si ula kac ah oo lagu bartilmaameedsanayay wariyaha.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa oo aheyd kawaanka malayga degmada Wadajir.

Miinada nuuca Magnada ee qeybta hoose darawalka gaariga lagu dhejiyo ayaa ka mid noqotay aaladaha bartilmaameedka ee dadka lagu khaarijiyo, waxaana horay loogu dilay Wariyeyaal, mas’uuliyiin iyo dad kale.

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo Turkiga uga qeyb galaya shirka Madaxda OIC

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweynaha oo dar daaran u jeediyay Qurbo joogta

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo Turkiga uga qeyb galaya shirka Madaxda OIC

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In