Sunday, July 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigaan uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaadhiga Soomaaliya iyo saraakiil kala duwan oo ka socday qaybaha ciidanka Xoogga dalka, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi “Siciid Dheere” Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland oo soo dhaweeyay wafdiga Taliyaha ciidamada Xoogga ayaa xusay inay si gaar ah u qiimaynayaan socdaalka uu Taliyaha ku yimid deegaanada Puntland

Related posts

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

July 5, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

July 5, 2026

“Sharaf wayn bay noo taahy in markii ugu horaysay tan iyo magacaabistiisii taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalku uu yimaado deegaanada Puntland, waa mid aan si gaar ah ugu qiimayn doono taariikhda Taliyaha cusub, Puntland waa meel ay ka jirto nabadgalyo, horumar iyo isdifaac kooxaha dadka dhibaateeya” ayuu yiri taliyayaha ciidamada daraawiishat Puntland .

Taliyaha Guud ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ka mahadceliyay soo dhwaynta Garoowe loogu sameeyay, isagoo xusay in socdaalkiisa uu salka ku hayo isku dhafida ciidamada Xoogga dalka iyo ogaanshaha xaalada ciidamada Puntland .

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan nimaado dalkayaga meel ka mid ah, gaar ahaan Puntland oo ah meel ammaan ah sida uu sheegay Siciid, ujeedada aan u nimid waa laba arrimood midi koowaad ay tahay arrinta isku dhafka Ciidanka Xoogga Dalka midda kalana waa arrinta Gaalkacyo oo aan doonayno inaan ka gaarno arrinteeda xal kama danbays ah”.ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Agaasiaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Sonkor Jaamac Gaysre waxa uu si cad u sheegay in safarkooda Puntladn muhiim u yahay, isagoo fariin gaar ah u diray bulshada Gaalkacyo.

“Tani waxay calaamad u atahy barnaamijka horumarineed iyo ciidan ee Wasaaradda Gaahsaandhigga Soomaaliya, Puntland waxay u tahay calaamad aan doonayno inaan ku muujino muhiimadda ay Puntland leedahay Taliyaha oo isagu doortay booqashadii ugu horaysay in uu markii ugu horaysay ku yimaado Garoowe, waxaana arki doonaa dhammaanba xarumaha kala duwan ee ciimada Puntland, fariin Gaarana waxaan u wadnaa reer Gaalkacyo oo aan ka wadno dowladda dhexe iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya anaguna aan damacsanahay inaan booqashadayada ku soo afjarno, reer Gaalkacyo dhagaha ha furtaan waxaan u baahanahay xal kama danbays ah”ayuu yiri Sonkor Jaamac.

Wafdiga Taliyaha ayaa inta ay ku suganyihiin deegaanada Puntland waxay kormeerid iyo u kuur galid ku samayn doonaan xaalada ciidan, iyagoo booqan doona Talisyada iyo fariisinada ciidamada kala duwan ee Puntland.

Previous Post

Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Benaadir oo markale guul gaaray “SAWIRRO”

Next Post

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo cambaareeyay suxufi lagu dilay Muqdisho

Next Post
NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo cambaareeyay suxufi lagu dilay Muqdisho

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer

July 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timi marxuum fannaan Cabdullaahi Boqol

July 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiyaha SoDMA iyo mas’uuliyiin matalayay Hirshabeelle oo ka wada hadlay xaaladda deegannadii dagaal-beeleedyadu saameeyeen

Guddoomiyaha SoDMA iyo mas’uuliyiin matalayay Hirshabeelle oo ka wada hadlay xaaladda deegannadii dagaal-beeleedyadu saameeyeen

July 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

July 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In