Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo cambeereeyay qaraxii Beydhabo oo lagu dilay wariyeyaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 6, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Pakistan

Ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Beydhabo ee ay ku dhinteen laba wariye qaar kalena ay ku dhaawacmeen xilli ay ku sugnaayen goob internet-ka laga isticmaalo oo ku taalla magaalada oo la isku qarxiyay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha iyo wariyeyaasha, waxaa geeriyooday Abdulkadir Ahmed Mayow, oo ka tirsanaa Telefishanka Somali Channel iyo Mohamed isxaq Barre oo cameraman u ahaa Kalsan TV. Sidoo kale  Abdulkadir Hassan Jookar, oo ka tirsanaa Kalsan Television, Abdulkadir Hassan Iyeeyow, oo u shaqeynayay Somali SAT Television iyo Mohamed Adan Socdaal oo u soo warrama Dalsan Radio ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ay ku dhinteen in ka badan 10 qofood.

“Waxaan si aad ah uga murugeysannahay inaan maqalno dhimashada saaxibadeena ku dhintay qaraxa maanta, Waana cambeereyneysaa qaraxa sida ugu adag ee macquulka ah” ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ah xoghayaha guud ee NUSOJ. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in baaritaano la sameeyo si kuwa falka geystay caddaaladda loo mariyo.

Waa wariyeyaashii ugu badnaa ee hal goob ku dhinta sanadkaan, sidoo kale dhimashada labadaan wariye ayaa tirada wariyeyaasha lagu dilay sanadkaan dalka ka dhigaysa  shan qof.

Previous Post

R.W Cabdiweli oo Cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In