Monday, June 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Urur Soomaaliyeed oo dadaal ugu jira sida looga gudbi lahaa caqabadaha kala sareeynta Bulshada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 31, 2016
in Wararka
0
Urur Soomaaliyeed oo dadaal ugu jira sida looga gudbi lahaa caqabadaha kala sareeynta Bulshada Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal Soomaalida Columbus ah ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay sidii loo heli lahaa Soomaali siman taas oo macnaheedu yahay in dadka Soomaaliyeed la gaarsiiyo jiritaan Ummad mid ah oo aan kala sarayn.

Waxaa kulankan soo abaabulay Ururka Soomaali Siman oo ah urur ay dhidbeen ama aas aaseen aqoonyahano iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha Caalamka, kuwaas oo u istaagay sidii loo heli lahaa waxgarad iyo bulsho u istaagta in dadka Soomaaliyeed laga saaro ama laga wacyigaliyo in aysan jirin dad kala sareeya ama kala fiican.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025

Waxaa  ka hadlay martisharaf ka kala timid gobolada dalka Maraykanka iyo Canada kuwaas oo inta badan hadaladooda diirada ku saarayay sida Soomaaliya ay ku jirto dulmi ku qotoma kala sareyn aan sal iyo raad ku lahayn Umadda Soomaaliyeed qeyb ka mid ah, kuwaas oo loo arko in ay ka hooseeyaan kuwo kale.

Jiritaanka bulsho walba waa mid ku qotonta ilbaxnimo iyo aqoon dhamaan waxgaradkii ka hadlay ayaa isla qiray in Soomaalidu ay tahay dad aan aqoon taariikhdooda isla markaana Bur burkii qaranjabku uu sii cakiray kala qoqobka dadka Soomaaliyeed oo qaarkood xaqoodii la duudsiyay.

Waxa la isla qiray in shirarkii Soomaaliya dibada loogu qaban jiray wixii ka horeeyay 2009 ay ahayeen kuwo Soomaalida lagu kala fogeeynayay laguna awoodsiinayay dadka qaar halka kuwo kale doorkoodii la aasay.

Prof: Abdi Kusow oo ka yimid gobolka Iowa ee dalkan Maraykanka kana mid ahaa aas aasayaashii ururka Somali Siman ayaa waxa uu xafladan ka soo jeediyay hadalo aad u kiciyay ka soo qeybgalayaasha isaga oo soo bandhigay sababaha keenay in somalida lakala sareeysiiyo iyo in aysan jirin Koox koox ka saraysa oo jirta kaliya mida lagu kala sareynkaraa waa aqoonta iyo dadnimada ayuu yiri isaga oo intaa raaciyay in dadkii aan ka qeyb qaadan dagaaladii Soomaaliya halkii loo abaan gudi lahaa loogu badalay in ay yihiin kuwo laga tiro badanyahay.

Kusoow ayaa ugu yeeray inta caqliga  u saaxiibkaa in ay ku baraarugaan musiibada lagu dhex tuuray shacabka taas oo samayn doonta qoys walba hadii aan shacabka laga wacyi galin.

Ururka Somali Siman ayuu ku tilmaamay mid u taagan Soomaali mid ah oo aan kala sareyn isaga oo kulan dhanka kale uu la yeeshay ardada wax ka barata Jaamaca OSU ee magaalada Columbus na ku soo bandhigay dhibka qabyaalada iyo kala sareyntu ku hayso dadka iyo dalka Soomaaliya taas oo ay ardadii ka soo qeybgalay ku tilmaameen duulmi ayna u taaganyihiin siii looga hortagi lahaa.

Dr: Rasheed Farah oo isna ka yimi Gobolka Atlanta Georgia ayaa yiri ” kala sareyntu mahan wax run ah ee waa wax shisheeye abuuray inaguna aan run moodnay ee waa in aan ku baraarugnaa in 4.5 aysan ahayn xal iyo muuqaal ka tarjumaya Soomaalinimo” Waxa uu intaa raaciyay Rasheed in Dadkii wax galka ahaa ay yihiin kuwa la leeyahay waxaa tihiin Bar taasina ay cawaaqib xumo ku tahay soo noqoshada Soomaali fiyoow.

Kulanka Soomaali Siman waxaa kale oo ka hadlay dad badan oo ay ka mid ahayeen. Sheekh Horsed Nux, Abdulahi Osman, Shaiif Ali Hashim, Khado Mohamed, Jacafar Mataan, Sadiq Abdi, Abdikadir Xuurka, & Shamso Bashiir, dhamaantood ayaa ka sinaa sida loogu bahanyahay in Somalia laga ciribtiro waxa looyaqaan kala sareyn ama 4.5 oo ah wax aan Diinta iyo dhaqanka raad ku lahayn.

Shacabka Soomaaliyeed, Maamulada dalka, &  Dowlada Soomaaliyeed a.yay ugu yeereen in loo istaago is badal ka dhan ah kala sareynta bulshada si loo gaaro Guusha bulsho niyad waaagsan ku wada nool Nabad iyo cadaaadna ku barbaart

Somali Siman waa kulankii labaad oo ay qabtaan waxana kan kii ka horeeyay lagu qabtay dalka Canada iyada oo gobolo kale lagu qaban doono kulamadan oo kale kadibna dalkii dib loogu celin doono si wacyi galin looga sameeyo .

IMG_1066 IMG_1073 IMG_1107 IMG_1113 IMG_1130 IMG_1166 IMG_1180 IMG_1183 IMG_1186 IMG_1188 IMG_1200 IMG_1205 IMG_1219 IMG_1251 IMG_1272 IMG_1304 IMG_1322 IMG_1368 IMG_1390 IMG_1395 IMG_1412 IMG_1418 IMG_1460 IMG_1470 IMG_1475 IMG_1477 IMG_1480 IMG_1487 IMG_1518 IMG_1533 IMG_1541 IMG_1560 IMG_1572 IMG_1577 IMG_1580 IMG_1592 IMG_1600 IMG_1611 IMG_1613 IMG_1622 IMG_1628 IMG_1631 IMG_1663 IMG_1674 IMG_1684 IMG_1733 IMG_1761 IMG_1775 IMG_1813 IMG_1839 IMG_1850

Deeqo-SONNA

Previous Post

GOS oo ka qayb gashay tababbar dhanka Suuqgeynta oo lagu qabtay Switzerland

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In