Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen magacaabista Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

 

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026

Golaha Wasiirrada ayaa soo jeedinta Wasaaradda maaliyadda kaddib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhaqaalaha aqoon durugsan u leh uu qabto xilka Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka.

Guddoomiyaha cusub ayaa markii xilka loo magacaabayay ka guuleystay ilaa 140 ruux oo qabashada jagadaas u taagneyd.

Bishii Janaayo ayay ahayd markii golaha Baarlamaanka ay ansixiyeen wax ka badelka qodob ku jiray xeerka Bankiga Dhexe, kaas oo sheegayay in qof aan Soomaali ahayn loo magacaabi karin xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, balse ugu dambeyntii codeyn la galiyay ayaa 158 xildhibaan ay u codeysay wax ka badelka, halka 17 xildhibaan ay diideen.

Waxaa jiray buuq xooggan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in nin ajnabi ah oo caddaan ah lagu wado in loo magacaabo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya, Hase yeeshee saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa noo sheegay in ujeedka uu yahay in la helo xeeldheerayaal ka shaqeeya Bankiga dhexe oo ay sheegeen in qodobada ku jira sharciga uu dabar ku yahay.

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed cabdullaahi ayaa sida ku cad qoraal ka hadlaya taariikh nololeedkiisa, wuxuu khibrad u leeyahaya arrimaha maareynta dhaqaalaha iyo Bankiyada, isagoo ka mid noqday Shaqaahaha Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda sannadkii 1986-kii.

Cabdiraxmaan ayaa waxaa inta badan noloshiisa ku qaatay kana soo shaqeeyay dalalka Norway, UK, Yemen iyo bariga Africa.

Jagada Guddoomiyaha bankiga dhexe waxaa horey u ahaay Bashiir Ciise Cali ka hor intii aanu wakhtigiisu ka dhammaan sannadkii hore, waxaana dadka jagadaasi u tartamayay oo dalbaday ka mid ahaa nin u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo Nigel Roberts.

Haddaba waa maxay howsha iyo xilka Bangiga Dhexe?

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hey’adaha ugu muhiimsan hagidda hannaanka maaliyadeed ee dalka ayaa mas’uul ka ah sameynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka.

Magaalada Washinton DC ee Cariga Maraykanka ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco shir Deyn cafis ah bishan oo ay wada yeelanayaa Dowladda Soomaaliya, Bankiga Adduunka iyo Hey’adda Lacagaha Adduunka (IMF), kaasi oo ay Dowladda Soomaaliya ku dalbanayaan in Deymaha laga cafiyo, si ay u soo daabacdaan Lacago cudusb oo bedela lacagtii hore oo ku soo koobantay Kunka shallin iyo in la siin karo Deeqo ay u baahan yihiin.

W/D. Cabdullaahi Ruush

 

Previous Post

Maamulka Gobalka Hiiraan oo faah faahiyey howlgallo ka dhan ah argagixisada iyo duqeymo laga fuliyay Gobalka

Next Post

Maalinta Nabadda iyo Horumarka isboortiga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Next Post
Madaxweyne Xaaf oo casuumay qaar ka mid ah Dhallinyaradii laga soo daayay Xabsiyada Caalamka

Maalinta Nabadda iyo Horumarka isboortiga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dowladda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In