Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
October 1, 2023
in Wararka
0
Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, ayaa gacanta ku soo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in ay Hey’addu gacanta ku soo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya.

Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd ee koox isku xiran oo dalka dibaddiisa ka soo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaasi oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hey’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hey’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa. Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Sakariye waa kuma?

Magaciisu waa Sakariye Kamaal Suufi oo ku magacdheer Aba sheikh Saki,  Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah ,Waxa uu ku dhashay dalka Kenya, waxa uu se ku barbaaray, waxna ku bartay dalka Shiinaha, isagoo si gaar ah u bartay Injineernimada iyo Ganacsiga, ayaa ka mida waxyaabaha uu shiinaha ka soo bartay. Sannadkii 2020-kii, ayuu Nayroobi ku soo laabtay isaga oo halkaasi ka hirgeliyay shirkadda Zaks Enterprises oo ka shaqeysa dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha kala duwan, wuxuuna ku xiray dalka Shiinaha. Shirkaddu waxay inta badan ka shaqaynaysay Kenya iyo Shiinaha.

Billowga sannadkan qandaraas ay bixisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Kenya ayay ku guulaysatay shirkadda Zaks ee uu Sakariye hirgeliyay. $13M ayaa ku baxayay qandaraaskaasi. AE-MOTI-281723-GO-RFP waa nambarka qandaraaska ay Wasaaraddu siisay. Waxyaabihii la soo gaadayay waxaa ka mid ahaa diyaaradaha Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn iyo agabyo kale, ida ay Dowladda Maraykanku hadda ka hor sheegtay, sababta diyaaradaha Droneska loo soo iibinayo ayaa Wasaaradda ku sheegtay in loo adeegsanayo ilaalinta iyo la socodka beeraha, caafimaadka, deegaanka iyo amniga.

Sakariye kolka uu agabkii keenay waxa uu qeyb ka mid ah u sii gudbiyay Al-shabaab. Billowga bishii Marso ayaa Al-shabaab weerartay Dhismaha buundada Kwa Omollo ee Lamu, waxayna ku dishay Afar kiinyaan ah iyo hal Shiineys ah, iyadoo weerarkaasi waxaa lagu geystay ay ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Dhammaadkii April waxay Hey’adaha ammaanka ee Kiinya soo qabteen Sakariye oo ay ku eedeeyeen la shaqaynta Al-Shabaab. Waxayna la xiriiriyeen weerarkii dhismaha buundada ee Drone-ta lagu geystay. Waxaa taleefankiisa laga helay xogo badan.

Xogahaasi waxaa ka mid ahaa in seddex kunteenar oo saanad ciidan ah uu ka soo iibiyay dalka Shiinaha, islamarkaana uu ku soo dhex qariyay shixnad ganacsi oo Muqdisho u socotay. Markiiba Hey’adaha ammaanka ee Kiinya waxay la xiriireen dowladda Shiinaha, iyaga oo wax ka weydiiyay seddexda kunteenar. Shiinaha way xaqiijisay iibsashadooda. Kiinya waxay mar kale la xiriirtay Soomaaliya. Heydda NISA ayaa baaritaan u gashay Kunteenaradii ka soo degay Dekedda Muqdisho oo aan weli ka bixin, waxayna qabteen labo ka mida, iyaga oo warbaahinta la wadaagay dhammaadkii bishii May.

Waxyaabihii ku jiray seddexda kunteenar waxaa ka mid ahaa; JS Crop Drones, boqolaal litir oo dareeraha laga sameeyo qaraxyada, diiradaha qoriga ee sahla bartilmaamedka, dharka tuutaha ciidanka, teendhooyin, qalabka aragtida habeenkii loo isticmaalo, sida gaari aan nal u daarnayn inuu dhulka siduu doono iyo masaafada uu doono uu ku socdo, iyadoo qalabkaa habeen-aragga loo isticmaalayo kaxeyntiisa, taasoo ka caawinaysa weerarada ay ku guureeyaan xilliyada mugdiga, jaakadaha qaraxyada, bustayaasha habeenkii khal-khaliya diyaaradah wax duqeeya, qalabka ciidamadu u isticmaalaan dabaasha fog, agabka wax lagu basaaso, sida qalimaanta leh cod-duubista ama muuqaal duubista, koofiyado adag IWM, waxaana la hubaa in Hey’adaha ammaanka ee Kenya ay shakigoodii sii weynaaday kolka ay Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya xogaha kunteenarada ka soo xaqiijiyeen, waxayna Sakariye horgeeyeen Maxkamadda iyo Garsoore Yusuf Aballah Shikanda, waxa uuna Garsooraha dalbaday in la sii baaro kiiska iyada oo la ballamay 20-ka bishii September, waase ka soo fakaday, si kastaba ha ahaatee, balse Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay mar kale inay gacanta ku dhigto SAKARIYE!.

Dhinaca kale Abuukar Cali Aadan waa ku xigeenka hogaamiyaha kooxda Argagixisada al-Shabaab, wuxuu dhowr sano ahaa taliyaha Maleeyshiyada al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale horay u soo hoggaamiyey garabka hubeysan ee loo yaqaan Jabhadda ee Al-Shabaab. Bishiii Janaayo ee sanadkii 2018-kii, Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u aqoonsatay Abuukar Cali Aadan shaqsi si gaar ah loogu asteeyay inuu yahay Argagixiso caalami ah, iyadoo la tix raacayo amarka fulinta ee nambarkeedu yahay E.O 13224, kaas oo ku soo rogaya cuna qabateeyn adag dadka ajaaniibta ah ee geysta ama halista ku ah in ay ku kacaan ficilo Argagixisnimo, taasi oo halis ku ah amniga muwaadiniinta Maraykanaka, aminiga Qaranka, arrimaha siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha wadanka Maraykanka, sidoo kale waxaa uu ku jiraa liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee nambarkiisu yahay 1844 (2008) inuu ku lug leeyahay ama siiyo taakulo lidi ku ah nabada, amniga ama daganaanshaha Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta. Intaas waxaa dheer, Aadan waxaa uu xariir la leeyahay ururada al-Qaacida ee ka hawlgala Jasiiradda Carabta iyo Maqribul Islaami, waxaana Madaxiisa la saaray $5 Million.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo gaaray Dhuusamareeb 

Next Post

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud oo racfaan ka qaatay xukunnadii dhawaan ay ridday Maxkamadda G/ Banaadir 

Next Post
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud oo racfaan ka qaatay xukunnadii dhawaan ay ridday Maxkamadda G/ Banaadir 

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud oo racfaan ka qaatay xukunnadii dhawaan ay ridday Maxkamadda G/ Banaadir 

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In