Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waalidiin codsaday in la caawiyo gabadhooda xanuunsan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Waalidiin codsaday in la caawiyo gabadhooda xanuunsan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maryan Cismaan Jimcaale waa gabar 8-sano jir ah oo la xanuunsaneysa Kansar sanka uga dhacay kadibna kusii fiday mid kamid indheheeda, waxa ay ku sugantahay xaalad halis ah oo dhaqaatiirtu ay sheegeen inaan wax looga qaban karin gudaha dalka oo ay u baahantahay in dibadda loo qaado.

Qof kastoo arka Maryan waa hubaal inuu ka naxayo xaaladda ay ku jirto balse, waalidiinteeda waxa ay sugayaan in mar un  la caawiyo si loo badbaadiyo Nolosha gabadhooda yar ee xanuunsan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

January 5, 2026
Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026

Nimco Cismaan Tifow oo ah hooyada dhashay gabadha dhibaateysan ayaa u sheegtay Warbaahinta Qaranka in gabadhan ay xanuunsaneyso muddo dhan sanad iyo bar, isla markaana iyadu aysan awoodin inay dibadda u qaaddo, maadaama loo sheegay inaan wax looga qaban karin isbitaalada ku yaalla gudaha dalka.

“Xanuunkan wuxuu ku bilaawday dhiig sanka ay ka keentay mudo sanad iyo bar ah ayay sidana tahay habeenkii ma hurudo, dhaqtar kasta markaan geeynana waxa ay la i dhahay dalka wax malooga qabaan karo, marka Ummadda Muslimiinta waxaan ka codsanayaa inay isoo gagaraan si dibadda gabadhana loogu qaado”ayay tiri Hooyo Nimco.

Dr Saciid Xuseen Geeddi oo ka tirsan Isbitaalka Cismaan Fiqhi ayaa inoo sheegay inay baaritaan Caafimaad ku sameeyeen Maryan Cismaan oo ah gabadha xanuunsaneysa ay ku ogaadeen inay ku jirto xaalad qatar ah, sidaasi darteedna uu ka codsanayo cidkastoo gacansiin karta inay ka caawiyaan sidii dalka dibadiisa loogu qaadi lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’ada Culimada Somaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlay xanuunka haya Maryan Cismaan Jimcaale oo ah kansarka sanka uga bilowday oo markii dambe ku fiday mid kamid ah indheheeda ayaa Sheekhu wuxuu ugu baaqay dadka Somaaliyeed inay caawiyaan gabadhan xanuunsan.

Hadaba cid Allaale iyo ciddii daneyneysa inay wax u qabato gabadhan yar waxa ay ugu hagaagi karaan telefonka laga helo Hooyo Nimco Cismaan Tifow 0025261-5-512813

1 2 3 5 6 7 8 9

 

 

Previous Post

Guddoonka baarlamaanka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada siyaasadeed ee dalka

Next Post

Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Next Post
Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

January 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku...

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku qabatay kulan wadatashi ah oo ah...

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

January 4, 2026
0

Xilli abaarta ka jirta dalka ay gaartay heer halis ah, ayaa Hay’adda SoDMA soo gabangabeysay mashruuc cunto-qeybin ah (wajigii 3-aad)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In