Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waalidiin codsaday in la caawiyo gabadhooda xanuunsan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Waalidiin codsaday in la caawiyo gabadhooda xanuunsan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maryan Cismaan Jimcaale waa gabar 8-sano jir ah oo la xanuunsaneysa Kansar sanka uga dhacay kadibna kusii fiday mid kamid indheheeda, waxa ay ku sugantahay xaalad halis ah oo dhaqaatiirtu ay sheegeen inaan wax looga qaban karin gudaha dalka oo ay u baahantahay in dibadda loo qaado.

Qof kastoo arka Maryan waa hubaal inuu ka naxayo xaaladda ay ku jirto balse, waalidiinteeda waxa ay sugayaan in mar un  la caawiyo si loo badbaadiyo Nolosha gabadhooda yar ee xanuunsan.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026

Nimco Cismaan Tifow oo ah hooyada dhashay gabadha dhibaateysan ayaa u sheegtay Warbaahinta Qaranka in gabadhan ay xanuunsaneyso muddo dhan sanad iyo bar, isla markaana iyadu aysan awoodin inay dibadda u qaaddo, maadaama loo sheegay inaan wax looga qaban karin isbitaalada ku yaalla gudaha dalka.

“Xanuunkan wuxuu ku bilaawday dhiig sanka ay ka keentay mudo sanad iyo bar ah ayay sidana tahay habeenkii ma hurudo, dhaqtar kasta markaan geeynana waxa ay la i dhahay dalka wax malooga qabaan karo, marka Ummadda Muslimiinta waxaan ka codsanayaa inay isoo gagaraan si dibadda gabadhana loogu qaado”ayay tiri Hooyo Nimco.

Dr Saciid Xuseen Geeddi oo ka tirsan Isbitaalka Cismaan Fiqhi ayaa inoo sheegay inay baaritaan Caafimaad ku sameeyeen Maryan Cismaan oo ah gabadha xanuunsaneysa ay ku ogaadeen inay ku jirto xaalad qatar ah, sidaasi darteedna uu ka codsanayo cidkastoo gacansiin karta inay ka caawiyaan sidii dalka dibadiisa loogu qaadi lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’ada Culimada Somaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlay xanuunka haya Maryan Cismaan Jimcaale oo ah kansarka sanka uga bilowday oo markii dambe ku fiday mid kamid ah indheheeda ayaa Sheekhu wuxuu ugu baaqay dadka Somaaliyeed inay caawiyaan gabadhan xanuunsan.

Hadaba cid Allaale iyo ciddii daneyneysa inay wax u qabato gabadhan yar waxa ay ugu hagaagi karaan telefonka laga helo Hooyo Nimco Cismaan Tifow 0025261-5-512813

1 2 3 5 6 7 8 9

 

 

Previous Post

Guddoonka baarlamaanka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada siyaasadeed ee dalka

Next Post

Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Next Post
Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe "SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Kenya u qaabilsan EAC

February 14, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dowladda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In