Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadatashi ku saabsan Arrimaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo lagu qabtay Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wadatashi ku saabsan Arrimaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo ka qeyb galay Kulanka Wadatashiga Arrimaha Webiyada dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga Dowladda ee arrinkan u xilsaaran in laga sugayo sahan dhammeystiran iyo siyaasadda ku aaddan ka faaiideysiga wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Khuburo ka tirsan Jaamacadaha dalka, Guddiga Diblumaasiyadda Biyaha Xuduudaha ka Gudba iyo Wasaaradaha la shaqeeya, Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka ah iyo Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay khayraadka biyaha ayaa lagu soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah oo ku wajahan diyaarinta siyaasadda biyaha, hannaanka wadaagga biyaha xuduudaha ka gudba ee dalalka dariska ah iyo tayeynta Guddiga heer Qaran ee arrinkas u xilsaaran.

“Shirkani diirada ma saarayo biyaha webiyada oo kelliya ee waxa uu ku saabsan yahay in aan yeelanno siyaasadda ka faaiideysiga biyaha. Waxaa muhiim ah in aan kala hadalno dalalka aan deriska nahay sidii aynu u wadaagi lahayn biyaha wabiyada ee naga dhexeeya, taasna waxaa aasaas u ah in aan marka hore wadatashi iyo xog-isweydaarsi dhexdeenna ah ka yeelanno” Ayuu yiri Dr.Fuursade.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in ay nasiib darro tahay in dadka Soomaaliyeed ay la noolaadaan abaaro iyo caqabado biyo yaraan ah, iyadoo dalkeennu uu kulaalo xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika, sidoo kalena ay ku burqamaan wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Previous Post

Madaxweyne Waare Oo Dhagax Dhigay Sedex Iskuul Oo Laga Dhisayo Beledweyne.

Next Post

Pictures: China-Arab States Expo attracts around 12,000 participants

Next Post
Pictures: China-Arab States Expo attracts around 12,000 participants

Pictures: China-Arab States Expo attracts around 12,000 participants

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In