Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulama la qaatay Masuulyiinta Wasaaradda Caafimaadka Suudaan

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wafdi ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulama la qaatay Masuulyiinta Wasaaradda Caafimaadka Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
Wafdigan oo ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur oo martiqaad rasmi ah ka heshay dhigeeda Dalka Suudaan Baxrri Abul Qardah ayaa kulan laba geesood ah islamarkaana la isaga kaashanayo qaabkii wada shaqayen rasmi ah u dhaxmari laheed labada wasaaradood la yeeshay madaxda Wasaaradda Caafimaad ee Dowladda Suudaan, waxeyna sido kale kulanka ugu wada hadleen sidii heshiisyo horay u wada galeen labada Wasaaradood loo dhaqan galin lahaa.

Sidokale Wasiirka Caafimaadka ayaa kulmao kala duwan la qaadatay howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka ee Dowaladda Suudaan iyadoo soo eegtay habka ay u shaqeyso Wasaaradaasi waxeyna sido kale booqatay xarumaha daawooyinka lagu sameeyo iyo Shirkado daawooyinka soo saara oo gaar loo leeyahay.

Dhanka kale Wafdiga ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa booqasho kal duwan ku tagay Isbitaalada Royal Care, iyo Al-mucalim oo ay ku jiraan qaar kamid ah bukaanadii ku soo waxyeeloobay Qaraxii 14-kii October ee sanadkii tagay ka dhacay isgoyska Zoobe, Wasiirka Caafimaadka oo la hadleysay Warbaahinta Qaranka ayaa u Mahadcelisay dhamaan dhaqaatiirtii la tacaalayay bukaanadaani kala duwan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo iyagana xil gaar ah iska saaray sidii ay u garab istaagi lahaayeen Walaalahood.

Waa markii ugu horeesay oo ay soo gaarto Dalka Suudaan Drs Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay xilkan iyadoo lagu wado gabagabada booqashadeeda in ay heshiis wax wada qabsi ah wada saxiixdaan labada Wasaaradood.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamjika Wadajir +Sawirro

Next Post

Xildhibaan Maxamud Sh. Siraaji oo maanta lagu soo dhaweeyay Muqdisho+Sawirro

Next Post
Xildhibaan Maxamud Sh. Siraaji oo maanta lagu soo dhaweeyay Muqdisho+Sawirro

Xildhibaan Maxamud Sh. Siraaji oo maanta lagu soo dhaweeyay Muqdisho+Sawirro

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In