Monday, August 15, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Hay’adda Culimada dalka Suudaan oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

September 1, 2015
in Wararka
0
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefdigan ka socday hey’adda culimada dalka Suudaan ayaa waxaa hogaaminayay guddoomiyaha hey’adaas Dr Cisaam Al-Bashiiri waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta hey’adda culimada Soomaaliyeed oo uu horkacayay ku-simaha gudoomiyaha hey’adda Sheekh Nuur Baarood Gurxan, iyadoo ujeedada socdaalkooda lagu sheegay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya culimada labada dal iyo sidii la isku dhaafsan lahaa cilmi baarista iyo faafinta diinta Islaamka.

Intaas kadib waxaa labada dhinac kulan is xog wareysi ah ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka uu goob joog ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Diinta, Cabqidaadir Shekh Cali Baqdaadi, Dr Maxamed Xaaji Axmed xoghayaha guud ee Hey’adda Culimada Soomaaliyeed waxaa uu warbixin ka siiyay waxqabadka culimada Soomaaliyeed gaar ahaan ka wacyigelinta dadka Soomaaliyeed afgaarta khaldan oo loo ekeysiiyay diinta Islaamka.

Related posts

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

August 14, 2022
Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

August 14, 2022

Dr Cisaam Al- Bashiiri Guddoomiyaha Hey’adda Culimada dalka Suudaan ayaa sheegay in imaanshahooda magaalada Muqdisho ay ku saabsan tahay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay iskaashiga wada yeeshaan labada hey’adood, Faafinta diinta Islaamka, cilmi baarista iyo in tababaro la siiyo imaanmyada Maasjidyada si bulshada loogu gaarsiiyo diinta Islaamka.

Dr Maxamed Xaaji Xoghayaha guud ee hey’adda Culimada Soomaaliyeed oo warbaahinta Qaranka la hadlayaa sheegay in faa’ido weyn ku jirto xiriir dhex maraya labada dhinac, isagoo tilmaamay in dowladda Suudaan ay tahay dal wax badan u qabatay shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha hey’adda Culimada dalka Suuudaan Dr Cisaam Al- Bashiiri ayaa si weyn ugu mahadceliyay soo dhoweynta soo la saameeyay, waxaana uu xusay in dhibaatada ay geysanayaan kooxaha aamisan fikirka ku talaxtagga dhanka diinta loo baahan yahay in lagu xalin karo faafinta fikirka saxda ah oo ku saleysan diinta Islaamka.

 

 

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

August 14, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, ayaa u...

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

August 14, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo...

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Guddoomiyey Kulan Howleedka Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Guddoomiyey Kulan Howleedka Waaxyaha Wasaaradda

August 14, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi limaan Cige, ayaa maanta guddoomiyey kullan is xog-wareysi ah,...

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

August 14, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta guddoonshay shirka golaha Wasiiradda hirshabeelle.Shirka golaha, ayaa looga hadlay arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In