Monday, May 23, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo kulamo la qaatay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba

December 14, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socday Midowga Yurub oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa halkaasi kulan kula qaatay Madaxda Maamulka KMG ah ee Jubba.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay Wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Michele Cervone d’Urso ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay safiirrada dowladaha Sweden, Britain iyo Italy u fadhiya dalka Soomaaliya iyo xubno ka socday urur-goboleedka IGAD, waxaana kulanka looga hadlay arrimo ay ka midyihiin dhamaystirka maamulka KMG ah ee Jubba, dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo midaynta ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

May 23, 2022
Madaxweyne Hassan sheikh oo maanta xilka kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo

Madaxweyne Hassan sheikh oo maanta xilka kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo

May 23, 2022

Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga ay isku afgarteen sidii loo dhameystiri lahaa Maamulkiisa iyo xoojinta sidii deegaannada maamulkasi looga saari lahaa argagixisada Al-Shabaab, isagoo xusay in maamulkiisu uu hirgelin doono qodobadii kulanka looga hadlay.

Danjire Michele Cervone d’Urso oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba sida ay iskula garteen waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaana uu xusay in Midowga Yurub uu xoojinayo taageerada uu siinayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Previous Post

Manchester United oo Ka Badisay Kooxda Liverpool “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

May 23, 2022
0

Wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha...

Madaxweyne Hassan sheikh oo maanta xilka kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo

Madaxweyne Hassan sheikh oo maanta xilka kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo

May 23, 2022
0

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Xilalka ku kala wareegaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada Maamulkaasi

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada Maamulkaasi

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay lahayeen golaha wasiirada...

Horumarinta Istaraatiijiyadda Xalka Waara oo laga shiray

Horumarinta Istaraatiijiyadda Xalka Waara oo laga shiray

May 22, 2022
0

Xafiiska Xalka Waare ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In