Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday hay’adda Ifrah Foundation oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday hay’adda Ifrah Foundation oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socday Hay’adda Ifrah Foundation oo ay hoggaaminayo Ifraax Axmad, oo ah aas-aasisa iyo hal’abuurka Hay’addan isla markaana u doodda xuquuqada Haweenka ayaa waxaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya si diirran ugu soo dhaweeyay Danjiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta Safaaradda.

Kulan ay la qaadatay Safiirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta iyo ka hortagga gudniinka fircooniga ee gabdhaha ee luuqaada Engilishka marka la soo gaabiyo loo yaqaano FGM, ilaalinta xuquuqda gabdhaha iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa in bulshada laga dhaadhiciyo muhiimadda ay u leedahay in la joojiyo dhaqanka waxyeellada u leh gabdhaha.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ifraax Axmed ayaa Danjire Jabriil la wadaagtay qorshaha “Fashion for Change”, oo ah hindise wacyigelin iyo u-doodis ah oo ay iska kaashanayaan Anti-FGM Board-Kenya, Ifrah Foundation iyo Wallace Global Fund.

Hindisahan ayaa adeegsanaya fanka iyo bandhigga si loo gaarsiiyo bulshada farriin ku saabsan karaamada, madax-bannaanida jirka iyo ilaalinta gabdhaha, iyadoo codka iyo waaya-aragnimada dadka ka badbaaday gudniinka lagu salaynayo ololaha.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan deegaanada xuduudaha iyo bulshooyinka wadaaga xiriirrada dhaqan iyo bulsho, maadaama dadaallada ka dhanka ah FGM ay u baahan yihiin iskaashi iyo isku-duwid ka gudubta xuduudaha.

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku dhiirrigeliyay Ifrah Foundation inay sii waddo dadaallada ay ugu jirto ka hortagga gudniinka gabdhaha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan deegaanada ay dhaqankan wali saameyntiisa ku badan tahay.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale adkeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay dadaallo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, culimada, waalidiinta, dhalinyarada iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo gaaro isbeddel waara oo bulshada dhexdeeda ah.

Ifrah Foundation ayaa oo ah hay’ad u doodda xuquuqda haweenka ayaa waxa ay xiriir dhow iyo wada shaqeyn ay la leedahay hay’adaha dowladda iyo ururrada bulshada, si loo dardar geliyo wacyigelinta iyo qabashada dood bulsho si loo beddelo fahamka iyo caadooyinka bulshada ee la xiriira gudniinka gabdhaha.

Ifraax ayaa inta ay ku sugantahay magaalada Nairobi waxa ay kulamo doceedyo la qaadatay Safiirada iyo Diblomaasiyiinta beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana 30ka August ay halkan ku qaban rabtaa kulan wacyigelin ah oo la xiriira gudniinka gabdhaha

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Next Post

KUMANNAAN BULSHADA REER GAALKACYO AH OO ISUGU SOO BAXAY SOO DHOWEYNTA WAFDIGA MADAXWEYNAHA JFS

Next Post
KUMANNAAN BULSHADA REER GAALKACYO AH OO ISUGU SOO BAXAY SOO DHOWEYNTA WAFDIGA MADAXWEYNAHA JFS

KUMANNAAN BULSHADA REER GAALKACYO AH OO ISUGU SOO BAXAY SOO DHOWEYNTA WAFDIGA MADAXWEYNAHA JFS

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In