Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug Mudane Maxamed Cali Cantoobo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kulan miro dhal ah kula qaatay wafdi ka socday  Qaramada Midoobay oo uu hogaaminaye Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

Xubnaha wafdiga Qaramada Midoobay waxaa ka mid ahaa  wakiilo ka kala socday Xafiiska La-taliyaha Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Xal-u-helida Barakacayaasha Adduunka, Xafiiska Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Beni’aadannimada ee Soomaaliya, Xafiiska UN-Habitat ee Soomaaliya, UNDP, UNICEF, UNHCR iyo IOM.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Kulan-kaan oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlada Federaalka Sooomaaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo Guddoomiyaha Ku-xigeenada  Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xal-u-helidda arimaha barakacayaasha ee ku nool deegaannada hoos yimaada Maamulka Galmudug iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee dhinaha caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo faya-dhowrka.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la mideeyo daddaalada ku aadan in bulshooyinka barakaca ah loo helo xal waara iyadoo Dowlad Goboleedka Galmudug ay balanqaaday in ay kaalinteedu qaadaneysay iyada oo barakacayaasha  siinayso dhul halka Qaramada Midoobay uu dowrkeeda yahay dhisidda hooy wanaagsan si waafaqsan wadiiqooyinka horumarka xalka waara iyo midka caalamiga ah ee lagu doonayo in hal malyuun oo barakacayaal Soomaali ah laga saaro xaaladda barakaca labo sano gudahood.

Dhinaca kale, Wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo ay wehliso Wasaaradda Qorsheynta Qaran iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa kulan wadajir ah la qaatay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Degmada Caabud-Waaq, Gudoomiye Ku-xigeenada Degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, iyo Gaalkacyo kuwaasi oo magaalada Dhuusamareeb u jooga ka qeybgalka Aqoon iswaydaarsiga ku saabsan dejinta Qorshe Hawleedka Xalka Waara oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashaneysa Wasaarada Qorsheynta Dowlad-goboleedka Galmudug. Kulanka ayaa looga hadlay caqabadaha ay wajahayaan barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa madaama magaalooyinkan ay yihiin kuwa ugu badan ee martigeliya barakacayaasha.

Wafdiga ayaa booqday xerada barakacayaasha ee Arlaadi oo ku taala duleedka magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay kula kulmeen qaar ka mid qoysaska barakacayaasha ah oo badankooda ka soo barakacay gobolada dalka halkaasi oo ay ku dhufteen cola ado iyo musoobooyin dabiici ah sida abaaraha, daadadka iyo isbedelka cimiladda. Barakacayaasha ayaa uga warbixiyay wafdiga xaaladda ay hada ku nool yihiin iyo baahida ay u qabaan adeegyada aasaasiga ah sida xarun caafimaad, goob waxbarasho,  biyo ku filan , fayo dhowr, hooy, iyo shaqo abuur gaarsiin karto isku filnaasho  iyadoo wafdiga ay balan qaadeen in baahidooda wax laga qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ugu danbayntii, waxaa la soo gabagabeeyay Aqoon Iswaydaarsiga ku saabsan dejinta Qorshe Hawleedka Xalka Waara oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashanaysa Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, waxaana khudbado ka jeediyay Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed (Cantoobo), Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha aramada Midoobay ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway, iyo Agaasimaha Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Marwo Zahra Cabdi Maxamed, iyadoo sidoo kale hadalo bogaadin iyo mahadnaq isugu jiray ay ka jeediyeen shirka Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo Gudoomiyaha Ku-xigeenada  Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb..







Previous Post

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka oo xilka loo dhaariyay

Next Post

Minister Fiqi Hands Over Interior Ministry Responsibilities to Ali Yusuf in Ceremony

Next Post
Minister Fiqi Hands Over Interior Ministry Responsibilities to Ali Yusuf in Ceremony

Minister Fiqi Hands Over Interior Ministry Responsibilities to Ali Yusuf in Ceremony

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In