Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Ururka Somali Asal Foundation Eng. Mohed Shariif Mohamed ayaa kormeer ku tagey IskuulkaΒ iyo MCH ka Garasbintow ee degmada Balcad, isla markaana ay xog wareesteen qaar ka mid ah bukaanada oo meelo fog fog ka yimid, sidaΒ Ceel Adde iyo Kafaayo, iyadoo adeegaas ay hirgelisay ARC International kadib markii ay SAF ay u bandhigtay baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaanada Balcad iyo Warsheikh ee Gobolka Shabelaha Dhexe.
Sidoo Kale waxa ay booqdeen Mas’uuliyiintii kala duwanayd Dugsiga Hoose/ Dhexe ee GarasbintowΒ iyagoo la kulmay Maamulka iyo Macalimiinta si wanaagsan u bogaadiyey in sanad dugsiyeedka 2016/2017 in ay sii laba laaban dadaalkooda waxbarasho, si bulshada deegaanka ay u helaan waxbarasho tayo leh.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wafdigan deegaanka tegay ayaa ka codsaday in ardayda ay u helaan gaadiid iskuulka lagu gaarsiiyo, maadaama ardayda qaar ay ka yimaadaan meelo aad u fog.
Wafdiga ayaa si nabad ah ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay guul ah ku soo dhamaatay booqashadii ay ku tageen deegaanka Garas Bintow iyo Damaley.






















