Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Asluubta oo isbadal muuqdo ka sameeyay xabsiyada dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Asluubta oo isbadal muuqdo ka sameeyay xabsiyada dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa ay ka mid yihiin Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana la Aas-aasay 22kii Febraayo 1970 kii Taliyihii ugu horeeyey ee Ciidankaasina waxa uu ahaa AUN S/gaas Ismaaciil Axmed Ismaaciil waana Ciidan u tababaran Ilaalinta Maxaabiista iyo in ay baraan Anshaxa dadka xabsiga lagu soo xiro.

Burburkii Dowladii dhexe ee Dalka kaddib waxa ay soo mareen Ciidanka Asluubta marxalado kala duwan iyo xilliyo Adag, iyadoo shaqooyinkii ay uΒ  hayeen Qaranka habacsanaan uu ku yimid sababo la xiriiri Daruufo soo wajahay dalka.

Related posts

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026

Taliyayaal badan ayaa soo maray ciidanka Asluubta sanadihii lagu jiray Bur burka Β dadaalkoodana, ma yareen balse caqabadoΒ  dalkoo dhan ka jiray ayaa u saamixi weysay in Ciidankaasi cududiisa ay dib u soo celiyaanΒ  .

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda dib usoo celinaya in ay buuxiyaan Kaalintii ay kaga jireenΒ  Ciidamada qalabka sida, waxaanaΒ  iminka ay ku talaabsanayaan Horumaro kala duwan,Β  iyadoo ay dib usoo laabaneyso Faa’iidooyinkii kala duwanaa ee Ummadda Soomnaaliyeed u qaban jireen .

Maalin Khamiis 30 April 2015 ayey aheyd markii golaha Wasiiradda ee Xukuumadda SoomaaliyaΒ  ay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed u magaacabeen S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe ), ayna ku soo baxday faafinta rasmiga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana markii uu Xilka la wareegay Gen Bashiir uu bilaabay Dadaal iyo Shaqo badanΒ  uu ku doonayey in Ciidankaasi uu Dib usoo nooleeyoΒ  Geed dheer iyo mid gaaban ayuuna u koray sidiiΒ  Cududii Ciidanka Asluubta uu dib ugu soo celin lahaa .

S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa is badal weyn ku sameeyey qaabkii uu u shaqeynayey Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ka jireen Dhibaatooyin dhanka Nolosha ahΒ  waxaana Xabsiga uu ka dhigay GoobΒ  Maxaabiista lagu dhaqan celiyo waxna lagu baro isagoo Xabsiga gudihiisa ka hirgaliyey in Maxaabiista ay ku seexdaan sariiroΒ  iyo in uuΒ  qol kasta oo ka mid ah Xabisga dhexe uu galiyey Telafashino ay Maxaabiista kala socdaan Ciyaaraha iyo Wararka Caalamka Β iyadoo intaas ay sii dheer tahay in la baro Farsamada gacanta .

Sidaasi oo kale Xabisga dhexe ee magaalada Baydhabo ayaa isna dhawaan la geeyey Sariiro iyo Telafashino,Β  waxaana Qorshaha Taliska Ciidanka Asluubta uu yahay in dhamaan Xabsiyada Dalka ku yaala isbadal horumarineed laga sameeyo sida uu Taliyaha Ciidanka Asluubta inoo sheegay .

Gen Bashiir iyo ku xigeenadiisa ayaa ku guuleystayΒ  iyagoo kaashanaya Hay’ado Caalami ahΒ  in Magaaladda Muqdisho laga dhiso Xabsi weynΒ  oo wax kasta oo Nolosha aadmiga ay u Baahan tahay laga helayo Gunaanad ayuuna maraya Dhismaha Xabsigaasi .

Sidoo kale Taliska Ciidanka Asluubta ayaa Qorsheynaya in Guud ahaan Xabsiyadii Dalka uu lahaa dib u dhis lagu sameeyoΒ  waxaana sidaas oo kale Talisku uu qorsheynayaa in Warshadihii Ciidanka uu lahaa dib loo howlgaliyo iyadooΒ  ay shaqeyneyso Warshad uu Ciidanka leeyahay oo hadda soo saarta Qalab Xafiiseedka IWM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray maalintii koowaad ee ciidda xabsiga dhexe ee Xamar ayaa bogaadiyay isbadalka uu sameeyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac.

Dhammaan Debleyda ,Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa si aad ah ula dhacsan Isbadalka Horumarineed ee iminka ka hana qaaday Xabsiyada Dalka iyo Xarumaha Ciidanka Asluubta uu leeyahay waxaana hadal heynta ugu badan ee Ummadda Soomaaliyeed Β isla dhex marayaan ay tahay in weli dalka lagu arkin Xabsiga dhexe Qololka uu ka kooban yahay in lagu xiray Telafashino Maxaabiista daawadaan, iyadoo arrintan ay noqotay mid soo jiidatay Β Indhaha Caalamka.

xasanxabsigadhexe4 xasanxabsigadhexe1 received_1722977427977600 IB0A7012 FB_IMG_1465755031519 FB_IMG_1463690508329 bashiir-goobe-xabsi-cunto-4 13556062_1734677453474264_307281132_o 13517987_1734678156807527_1044956785_o 5-20 Β 

WD/:- C/raxmaan Gacan

Previous Post

Wafdi Ka Socday SAF oo kormeeray MCHka iyo Iskuulka Garas Bintow ee Degmada Balcad “SAWIRRO”

Next Post

Mo Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK ee Knighhood

Next Post
Mo Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK ee Knighhood

Mo Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK ee Knighhood

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10...

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€π’π‡π‘π”π”π‚ π‡πŽπ‘UπŒπ€π‘πˆππ„π„πƒΒ 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka TΓΌrkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In