Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Dalka Oo Ku Wajahan Xeryaha Qaxootiga Ee Dhadhaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay booqanaya xeryaha qaxootiga dhadhaab si uu ugu kuur galaan xaalada heysata qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalka Kenya ku jira.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa safarka ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka socda maamulka Jubbaland ee uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’isul Wasaaraha Dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa inta uu jooga xeryahaasi waxa uu u kuur gali doonaa sida uu u dhaqan galay heshiiska sedex geesoodka ahaa oo 2013-kii dhexmaray Dowladaha Soomaaliya,Kenya,iyo hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR oo ku saabsanaa dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Wafdiga maanta booqanayaa xeryaha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa Hey’adda UNHCR iyo madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca Kale Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay ka safaarad ahaan in ay fududeyn doonaan in dib dalkooda hooyo loogu soo celiyo muwaadiniinta Soomaaliya ee dalkaasi ku sugan, waxaana uu xusay in heshiiska sedex geesoodka ahaa ee dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliya heer gaba gaba uu marayo dhaqan galintiisa.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Dhalinyarada Aqoonyahanada Ah Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyaan Horumarinta Dalka

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Dhalinyarada Aqoonyahanada Ah Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyaan Horumarinta Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Dhalinyarada Aqoonyahanada Ah Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyaan Horumarinta Dalka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In