Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo gaadiid ku wareejiyay maamulka Jubaland “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska oo gaadiid ku wareejiyay maamulka Jubaland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed iyo saraakiil kale ayaa maanta socdaal ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyagoo gaadiid boolis ku wareejiyay Maamulka Jubaland.

Wafdiga taliyaha ciidanka booliska waxaa garoonka diyaaraha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland, waxaana uu taliyaha iyo saraakiisha la socday ay kormeereen saldhigyo magaalada, halkaasi oo uu warbixino kaga dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha booliska ee Kismaayo jooga.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo lagu wareejiyay furayaasha gaadiidka booliska ah ayaa taliska booliska uga mahadceliyay, isagoo xusay in gaadiidkan ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud aya sheegay in gaadiidku ay ka koobanyihiin afar, isla markaana uu taliska ugu talagalay inay ku howlgalaan ciidanka booliska.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tababar u furay ku dhawaad labo boqol oo askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska, waxaana uu kula dar daarmay inay tababarka ka faa’iideystaan oo ay ugu adeegan wixii ay barteen shacabkooda, isagoo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Wafdiga uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka booliska ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Kismaayo waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda Maamulka Jubaland.

K1 K2 K3 K4 K5 K6 K7 K8 K9 K10 K11 K12 K13 K14 K15

 

K16 K17 K18 K19 K20 K21 K22 K23

Previous Post

Wasiirka dhallinyarada oo ka hadlay doorka Wasaaradda uga aaddan dhalinyarada “Sawirro””

Next Post

Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In