Wafdi ka kooban xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle kana mid ah Xubnaha Degmada Matabaan ku matala Hirshabelle ayaa Goordhow gaaray garoonka Diyaaradaha Guriceel waxaana Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Postada iyo isgaarsiinta ee Hirshabeele Cabdiweli Sheikh Cali.
Garoonka diyaaradaha magaaladda Guriceel waxaa kusoo dhaweeyay wax garadka iyo Taliska Degmada Matabaan intaasi kaddib wafdi ayaa u gudbay magaalada dhuusamareen ee xarunta Galmudug.
Wafdigaan ayaa dhuusamareeb u tagay in kulamo wadatashi ah la qaatay madaxda dowlada Galmudug si looga arrinsado dhamaystirka maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Maalmaha soo socdo ayaa lagu wadaa in loo magacaabo maamul cusub iyadoo muddooyinka aysan ka jirin maamulka Degmo.
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...




















