Wafdi ka kooban xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle kana mid ah Xubnaha Degmada Matabaan ku matala Hirshabelle ayaa Goordhow gaaray garoonka Diyaaradaha Guriceel waxaana Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Postada iyo isgaarsiinta ee Hirshabeele Cabdiweli Sheikh Cali.
Garoonka diyaaradaha magaaladda Guriceel waxaa kusoo dhaweeyay wax garadka iyo Taliska Degmada Matabaan intaasi kaddib wafdi ayaa u gudbay magaalada dhuusamareen ee xarunta Galmudug.
Wafdigaan ayaa dhuusamareeb u tagay in kulamo wadatashi ah la qaatay madaxda dowlada Galmudug si looga arrinsado dhamaystirka maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Maalmaha soo socdo ayaa lagu wadaa in loo magacaabo maamul cusub iyadoo muddooyinka aysan ka jirin maamulka Degmo.
Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...




















