Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmadda Baardheere ee gobolka gedo oo dhawaan ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom ay ka saareeen maleeshiyaadka al Shabaab ayaa waxaa maanta halkaasi gaaray wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Degmada Baardheere ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,waxaana intaasi kadib ay kormeer ku sameeyeen qeybo magaalada ka mid ah iyagoo intaasi ka dibna kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee Degmada.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Xildhibaan Maxamud Cali Magan, Xildhibaan Bishaar Ugaas,Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ahaa wafdigani maanta gaaray degmada Baar-Dhaare ee Gobolka Gedo ayaa u mahaceliyay ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed iyo kuwa amisom dadaalka ay ugu jiraan dar dar gelinta howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka al Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Cusmaan libaax Ibraahim ,wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka Axmed daqare iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka arimaha dastuurka C/llaahi yuusuf Alankey  ayaa si wadajir ah u sheegay in ay ku faraxsanyihiin Tagista maanta ee degmada Baardheere oo kooxda Al Shabaab dhawaan laga saaray iyagoo u mahadceliyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in maamulka jubba uu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato howlgalada maleeshiyaadka Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada tirada yar oo ay ku dhuumaaleysanayaan si meesha looga saaro dhibaatooyinka kooxda bur burtay ay Shacabka u geysteen.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ku amaanay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee amisom dadaalada ay ugu jiraan in ay ka horatagaan dhibaatooyinka ay kooxda nabad diidka ah u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ,wuxuuna wasiirka difaaca uu sheegay adeegyada kale duwan ee degmada ay dib u soo laabanayaan,wuxuuna dhinaca sheegay in maanta wixii laga bilaabo uu si rasmi ah u furanyahay garoonka diyaaradaha ee Baar-dheere.

Degmada baardheere oo ka tirsan gobolka geddo ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga saaray maleeshiyaadka kooxda al shabaab,waxaana hada degmada ka soconaya dadaalo shacabka ay ku doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan adeegyadii bulashada oo ay meesha ka saareen kooxda nabad diidka ah ee al shabaab mudadii ay degmada ku amar taagleynaayeen.

1 (1) 1 (2) 1 (12) 1 (13) 1 (14) 1 (15) 1 (16) 1 (17) 1 (18) 1 (20) 1 (21) 1 (22) 1 (23) 1 (24) 1 (25) 1 (26) 1 (28) 1 (29) 1 (30) 1 (31)

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulan Kula Qaatay Deegaanka Galinsoor Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulan Kula Qaatay Deegaanka Galinsoor Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan “Sawirro”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulan Kula Qaatay Deegaanka Galinsoor Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan "Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In