Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmadda Baardheere ee gobolka gedo oo dhawaan ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom ay ka saareeen maleeshiyaadka al Shabaab ayaa waxaa maanta halkaasi gaaray wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Degmada Baardheere ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,waxaana intaasi kadib ay kormeer ku sameeyeen qeybo magaalada ka mid ah iyagoo intaasi ka dibna kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee Degmada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xildhibaan Maxamud Cali Magan, Xildhibaan Bishaar Ugaas,Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ahaa wafdigani maanta gaaray degmada Baar-Dhaare ee Gobolka Gedo ayaa u mahaceliyay ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed iyo kuwa amisom dadaalka ay ugu jiraan dar dar gelinta howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka al Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Cusmaan libaax Ibraahim ,wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka Axmed daqare iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka arimaha dastuurka C/llaahi yuusuf Alankey  ayaa si wadajir ah u sheegay in ay ku faraxsanyihiin Tagista maanta ee degmada Baardheere oo kooxda Al Shabaab dhawaan laga saaray iyagoo u mahadceliyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in maamulka jubba uu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato howlgalada maleeshiyaadka Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada tirada yar oo ay ku dhuumaaleysanayaan si meesha looga saaro dhibaatooyinka kooxda bur burtay ay Shacabka u geysteen.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ku amaanay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee amisom dadaalada ay ugu jiraan in ay ka horatagaan dhibaatooyinka ay kooxda nabad diidka ah u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ,wuxuuna wasiirka difaaca uu sheegay adeegyada kale duwan ee degmada ay dib u soo laabanayaan,wuxuuna dhinaca sheegay in maanta wixii laga bilaabo uu si rasmi ah u furanyahay garoonka diyaaradaha ee Baar-dheere.

Degmada baardheere oo ka tirsan gobolka geddo ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga saaray maleeshiyaadka kooxda al shabaab,waxaana hada degmada ka soconaya dadaalo shacabka ay ku doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan adeegyadii bulashada oo ay meesha ka saareen kooxda nabad diidka ah ee al shabaab mudadii ay degmada ku amar taagleynaayeen.

1 (1) 1 (2) 1 (12) 1 (13) 1 (14) 1 (15) 1 (16) 1 (17) 1 (18) 1 (20) 1 (21) 1 (22) 1 (23) 1 (24) 1 (25) 1 (26) 1 (28) 1 (29) 1 (30) 1 (31)

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulan Kula Qaatay Deegaanka Galinsoor Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulan Kula Qaatay Deegaanka Galinsoor Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan “Sawirro”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulan Kula Qaatay Deegaanka Galinsoor Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan "Sawirro"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In