Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.
Wefdiga guddoomiyaha, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Xukuumadda Federaalka, sida Wasiirka Amniga, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Senatorro, Saraakiil, iyo masuuliyiin kale, ayaa markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Laascaanood waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad iyo wefdigiisa ayaa kulan hordhac ah hoygiisa kula yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdrishiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), iyadoo kulankan uu ahaa fursad lagu dhisayo iskaashi iyo wada shaqeyn u dhaxeysa hay’adaha Qaranka iyo dowlad-goboleedka.











