Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYAY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI MUNAASABADDA XORNIMADA DALKAAS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka difaaca qaranka Jabuuti ayaa warbaahinta la hadlay markii Muqdisho lagu lasoo dhaweeyey kadib, wuxuuna si quta dheer uga hadlay hiilka ay walaalaha reer Jabuuti la garabtaagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Related posts

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

February 20, 2026

Wasiir Xasan Cumar ayaa si gaar ah u balan qaaday in Jabuuti ay kaalin hagar la’aan ah ku yeela doonto dagaalka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab lagu soo afjarayo, kaas oo ciidanka Hiil-walaal ee Jabuuti ka socda ay dowladda Soomaaliya ku garab siinayaan.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyey wafdiga uu hoggaaminayey wasiirka gaashaandhigga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, isagoo sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay abaal-weyn u hayaan shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in jihaadka dalka Soomaaliya looga cirirbtiayo argagixisada ay kaalin weyn ka qaadanayaan ciidanka Hiil-walaal ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, isagoo uga mahad celiyey in naftooda ay u soo hureen sidii Soomaaliya Nabad loogu soo dabaali lahaa.

Safarka wasiirka difaaca qaranka Jabuuti ee Muqdisho ayaa la xariira ka qeyb galka shir weyn oo maalmaha soo socda ka dhici doona caasimadda Soomaaliya, kaas oo ay isugu imaanayaan madaxda wadamada ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee Howlhalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Shirkaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Soomaaliya uu ka socdo gobollada dalka Soomaaliya uu ka socdo dagaal lixaad oo lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Previous Post

Safiirka Maraykanka u jooga Soomaliya oo ka hadlay doorkooda taageero siinta hawlgalada dalka looga xorraynayo khawaariijta

Next Post

Xaaska horjoogaha daacish oo lagu riday xukun

Next Post
Xaaska horjoogaha daacish oo lagu riday xukun

Xaaska horjoogaha daacish oo lagu riday xukun

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

February 20, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo ka hadlay xaflad loo sameeyay...

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

February 20, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In