Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalka Lubnaan.
Wafdiga Wasiiru-dowlaha oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan ( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda beeraha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey ilaalinta sinnaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada, kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada Beirut.
Wasiir Yuusuf oo ka qeb galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey qorshaha Wasaaradda shaqada kaga aadan arrimaha Buulshada, isagoo ugu horeyn uga mahadeliyey Dowladda Lubnaan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beirut casuumaadda ay u fidiyeen, waxaana uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowalad dhiska Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartay Wasaaradda gaar ahaan dhanka arrimaha bulshada iyo faa’iidada ay leedahay diiwaanka bulshada (Unified Social Registry) wuxuuna ugu dambeentii halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda Soomaaliya uga go’an tahay siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga dalka iyo Dagaalka Khawaarijta lagula jiro oo la qorsheeyay in la dhameystiro sanadkaan .