Thursday, June 30, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdigii uu hoggaminyay R/wasaaraha oo dalka Imaaraadka ku booqday Bukaannadii ku dhaawacmay qaraxii hotelka Centeral

April 17, 2015
in Wararka
0
Wafdigii uu hoggaminyay R/wasaaraha oo dalka Imaaraadka ku booqday Bukaannadii ku dhaawacmay qaraxii hotelka Centeral
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaaraha xukuunadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Imaaraadka Carabta waxa ay booqdeen bukaannada dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay hotelka Centeral ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo daryeel caafimaad loogu qaaday dalkaasi UAE.

R/wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada arrimaha dibadda, warfaafinta hiddaha iyo dalxiiska, Gaashaandhigga. Diinta iyo Owqaafta, Dastuurka iyo wasiiru dowlaha xafiiska R/wasaaraha ayaa intii ay joogeen dalka Imaaraadka Carabta oo ay marti qaad rasmi ah ka heleen waxa ay la kulmeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dalkaasi.

Related posts

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladiisa caafimaad 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladiisa caafimaad 

June 29, 2022
Maamulka Deegaanka Bajeela oo dhiiri gelin u sameeyay dad uu booqday

Maamulka Deegaanka Bajeela oo dhiiri gelin u sameeyay dad uu booqday

June 29, 2022

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii dowladda Imaaraadku u kordhin laheyd mashaariicda horumarineed ee dalka.

Dhinaca kale R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday cisbitaal ay ku jiraan bukaanno ku dhawaacmay qaraxii ka dhacay hotelka Centeral ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo saryeel caafimaad loogu qaaday dalkaasi.

Wasiirka warfaafinta hiddaha iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ka mid ahaa wafdiga R/wasaaraha ayaa sheegay in xaaladda bukaannadaasi ay soo hagaageeyso, dhawaana ay dib ugu laaban doonaan dalkooda iyagoo bed qaba.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska “mudane “Maareeye”ayaa dhinaca kale intii uu joogay dalkaasi waxa uu kulamo la qaatay madaxda golaha warbaahinta Qaranka dalkaasi, isagoo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka warbaahineed ee labada dal, iyo sidii dowladda Imaaraadku gacan uga geysan laheyd horumarinta warbaahinta dalkeenna Soomaaliya.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladiisa caafimaad 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka uga warbixiyey xaaladiisa caafimaad 

June 29, 2022
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra'iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin...

Maamulka Deegaanka Bajeela oo dhiiri gelin u sameeyay dad uu booqday

Maamulka Deegaanka Bajeela oo dhiiri gelin u sameeyay dad uu booqday

June 29, 2022
0

Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela ee Koonfurta Gobolka Mudug Maxamed Shuuke iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ayaa maanta kormeer loogu kuurgalayay xaaladaha...

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay iskuduwaha mashaariiicda Bangiga Adduunka

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay iskuduwaha mashaariiicda Bangiga Adduunka

June 29, 2022
0

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo daah furay mashruuca Kobciye

Wasiirka Qorsheynta XFS oo daah furay mashruuca Kobciye

June 29, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta daahfuray mashruuca iskaashiga Caalamiga  ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In