Wafdi ka kala socda Ukraine iyo Ruushka, aya goordhaw gaaray xuduudka Belarus, halkaasi oo ay ka billaaban doonaan wada hadallo u dhaxeeya labada wafdi.
Vladimir Medinsky, oo ah madaxa Wafdiga Ruushka, u qaabilsan wada xaajoodka , ayaa sheegay in dalkiisu uu doonayo in la gaaro heshiis ay dani ugu jirto labada dhinac.
Xukuumadda Kyiv, ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday inay aqbashay wadahadal ay Moscow kula yeelato xudduudda Belarus, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xireyn, balse waxay intaas ku dareen in ay yartahay rajada ku saabsan in wada xaajoodka ay ka soo baxaan wax weyn oo dhankooda muhiim u ah .
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Belarus, ayaa horay Bogeeda Face book ugu shaacisay in gogosha wada xaajoodk si buuxda loo diyaariyay, si ay uga wada hadlaan wufuudda ka socota labada dal.
labada dhinac ee dagaalamaya ayaa shalay sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin ilaa heshiis rasmi ah laga gaaro.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aqoonsaday laba gobol oo gooni u goosad ah, oo ku yaalla bariga Ukraine, ka hor inta aanu qaadin hawlgalka milatari ee lagu bartilmaameedsanayo dhawr magaalo oo ka tirsan Ukraine, kuwaasi oo ay ku jirto magaalada Kyiv, ee caasimadda dalkaas.