Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wajiga 2-aad ee Shirka Mashruuca NAGAAD oo lagu qabtay dalka Kenya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 21, 2024
in Wararka
0
Wajiga 2-aad ee Shirka Mashruuca NAGAAD oo lagu qabtay dalka Kenya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Howlaha Guud heer Federaal, Heer dowlad goboleed iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay wejiga 2aad ee mashruuca NAGAAD oo lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya.

Kulanka oo socday muddo labo cisho ah ayna shirgudoominayeen Wasiirka Howlaha Guud, dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) iyo Wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobalka Banaadir, Wasiirada howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada iyo wakiilo ka socday Bankiga Adduunka ayaa looga hadlay mashruuca NAGAAD oo ah mashruuc ku saabsan horumarinta magaalooyinka iyo xoojinta awoodda dowladaha Hoose ee bixinta adeegyada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka, kaasi oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Shirka waxaa kaloo looga hadlay in wejiga 2aad ee Mashruuca NAGAAD laga hirgeliyo magaalooyinka laga xoreeyay khawaarijta si bulshada ay u helaan mashaariicda horumarinta magaalooyinka .

Agaasinaha Guud ee howlaha Guud ee Gobalka Banaadir mudane Cabdirashiid Ibraahim Maxamed ayaa xusay in wajiga 2aad ay wax badan ka faa’iideysan doonaan.

Qaar ka mid ah Wasiirada howlaha Guud ee dowlad Gobolleedyada oo shirka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Mashruuca NAGAAD uu salka ku hayo horumarinta magaalooyinka.

Dhinaca kale Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kukan duceedyo mira dhal ah qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya iyo Peter Else oo madax ka ah qeybra horumarinta magaalooyinka ee Mashruuca NAGAAD













Previous Post

Wasiir Faarax Cabdulqaadir “Macalimiinta dowladda u shaqeeya sanadka 2025 waxay noqon doonaan 10-kun oo macalin”

Next Post

Taliyihii hore Ciidanka Badda oo soo dhoweeyey heshiiska Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiye

Next Post
Taliyihii hore Ciidanka Badda oo soo dhoweeyey heshiiska Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiye

Taliyihii hore Ciidanka Badda oo soo dhoweeyey heshiiska Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiye

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In