Maanta oo kale 1971 waxaa la aas aasay Wakaaladda Mad-bacadda Qaranka iyadoo hadda laga joogo muddo dhan 45 sano, hadaba Taariikhdii ay lahayd Mad-bacadda Qaranka iyo faa’iidooyinkii ay bulshada u soo saari jirtay waxaa inooga sheegeeyay Maareeyaha Wakaaladda mad-bacadda Qaranka Maxamuud Maxamed juun.
“Wakaaladda Mad-bacadda Qaranka waxa ay ahayd hay’ad Dhaqaale, Siyaasad iyo mid waxbarasho, wakaaladdu waxa ay soo saari jirtay Joornaallo Maalin la ah oo ku hadla Codka Dowladda kuna soo bixi jiray Af-Soomaali iyo kuwo Usbuucla ah oo ku soo bixi jiray Luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga, waxa ay daabici jirtay Buugga faafinta Rasbiga af ee Dowladda” Ayuuyiri Maareeye Maxamuud Juun.
Dhanka kale Maareeyaha Wakaaladda Mad-bacadda Qaranka ayaa sheegay in haddii dib loo furo Wakaaladda ay Bulshada Soomaaliyeed ka caawindoonto Dhammaan waxkasta oo daabacaad ah iyo qalab Xafiisyada loo adeegsan karo oo ay horay wakaaladdu u iibin jirtay.
“ Wakaaladda Mad-bacadda Qaranka waxa ay ahayd hay’adda Seddexaad ee ugu dhaqaalaha Bad-neyd dalka, waxaan rajeynaa in kaalinteedii ay dib u soo laabato, waayoo waxaan ogahay muhiimadda ay dalka u leedahay wakaaladda” Ayuu markale yiri Maxamuud Maxamed Juun.
Wakaaladda bad-bacadda Qaranka waxa ay ahayd wakaaladaha ugu waa weyn ee dalka kajiray xilligii ay shaqeynaysay , inkastoo hadda uu burbur weyn uu ka muuqdo islamarkana ay dagan yihiin qoysas Danyar ah oo hoy ka dhigtayXarunta Wakaaladda mad-bacadda Qaranka oo ku talla Degmada Shangaani.