Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo dowladda ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo dowladda ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ugu horeyso mahadcelin uu u jeediyay shacabka iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya marti gelinta shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo shalay lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho.

Danjiraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay shirkii shalay ku soo bandhigtay waxyaabo aad u muhiimsan, waxaana uu intaa ku daray in beesha caalamka ay aad ula dhacsantahay horumarka amni ee ay ku talaabsatay dowladda.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga caasimadda iyo gobollada kale ee ku teedsan, isagoo xusay in IGAD ay soo dhaweyneyso dadaalada dib u heshiisiineed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, iyadoo arrintaasi ay gacan ka geysanayaan dowladaha Jabuuti iyo Turkiga.

Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in qodobo muhiim ah ay ka soo baxeen shirkii Wasiirada Arrimaha dibadda ee IGAD, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen hirgelinta Nidaamka Federaalka ah oo ay dowladdu wax badan ka qabatay iyo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka oo uu ku tilmaamay in ay iminka muuqaneyso ififaalo arrintaasi ku saabsan, ayna ku rajo weynyihiin in ay qorshayaashaasi hirgalaan.

Shirka jaraa’id ayaa imaanaya xilli shalay Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay shirka 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Ururu Goboleedka IGAD, kaasi oo si nabadgelyo ah ku soo idlaaday, iyadoo ka qeyb galayaasha shirka ay dowlada ku amaaneen marti gelinta shir nuucaasi oo kale ah.

Previous Post

Akhriso: Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

Next Post

Akhriso:- Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada iyo barbaarinta

Next Post
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Akhriso:- Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada iyo barbaarinta

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In