Wednesday, February 8, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo dowladda ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 11, 2015
in Wararka
0
Wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo dowladda ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ugu horeyso mahadcelin uu u jeediyay shacabka iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya marti gelinta shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo shalay lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho.

Danjiraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay shirkii shalay ku soo bandhigtay waxyaabo aad u muhiimsan, waxaana uu intaa ku daray in beesha caalamka ay aad ula dhacsantahay horumarka amni ee ay ku talaabsatay dowladda.

Related posts

Dowladda oo digniin adag u dirtay Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda

February 7, 2023
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

February 7, 2023

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga caasimadda iyo gobollada kale ee ku teedsan, isagoo xusay in IGAD ay soo dhaweyneyso dadaalada dib u heshiisiineed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, iyadoo arrintaasi ay gacan ka geysanayaan dowladaha Jabuuti iyo Turkiga.

Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in qodobo muhiim ah ay ka soo baxeen shirkii Wasiirada Arrimaha dibadda ee IGAD, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen hirgelinta Nidaamka Federaalka ah oo ay dowladdu wax badan ka qabatay iyo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka oo uu ku tilmaamay in ay iminka muuqaneyso ififaalo arrintaasi ku saabsan, ayna ku rajo weynyihiin in ay qorshayaashaasi hirgalaan.

Shirka jaraa’id ayaa imaanaya xilli shalay Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay shirka 53aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda ee Ururu Goboleedka IGAD, kaasi oo si nabadgelyo ah ku soo idlaaday, iyadoo ka qeyb galayaasha shirka ay dowlada ku amaaneen marti gelinta shir nuucaasi oo kale ah.

Previous Post

Akhriso: Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

Next Post

Akhriso:- Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada iyo barbaarinta

Next Post
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Akhriso:- Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada iyo barbaarinta

Dowladda oo digniin adag u dirtay Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda

February 7, 2023
0

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa soo saartay amarro Imaamyada iyo Khadiibyada masaajidda looga digayo inay la macaamilaan Khawaarijta...

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

February 7, 2023
0

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta...

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

February 7, 2023
0

Labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad...

Erdogan: Dhulgariirkan waa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu weynaa ee Turkiga soo maray.

Erdogan: Dhulgariirkan waa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu weynaa ee Turkiga soo maray.

February 7, 2023
0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa xaqiijiyay in dhulgariirkii ku dhuftay dalkiisa uu ahaa mid ka mid ah masiibooyinka dabiiciga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In