Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka Midowga Afrika oo cambeereeyay weerarkii Hotel Ambassador

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wakiilka Midowga Afrika oo cambeereeyay weerarkii Hotel Ambassador
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira ayaa cambeereeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Ambassador  kaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yeraan 10 ruux oo ay ku jiraan labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ambassador Francisco Madeira  oo ah wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in weerarada lala beegsanayo xarumaha dowladda, siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah waxaa ay muujinaysaa sida Al-shabaab aan wax qiimo ah aan ugu heyn ilaalinta nafta dadka  isla markaana falalka ay sameeyaan ay yihiin kuwo fuleynimo ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“ Dadka Sooomaaliyeed waxaa ay doorteen wadada nabadda  si ay u gaaraan dhismaha qaran xasiloon oo barwaaqo ah waqtiga hadda la joogo iyo dhismaha jiilasha soo socoda mana joojineyso ahmigaas falalka fuleynimada ah oo ay wadaan argagaxisada ,” ayuu yiri  Ambassador Madeira.

Waxaa uu tacsi u direy qoysaskii dadka geeriyooday isagoo kuwo dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg deg ah . waxaana uu sidoo kale sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay in si dhow ula sahqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga wadanka.

Previous Post

Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha NISA oo gaaray Hotel Ambassador

Next Post

Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador-Sawirro

Next Post
Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador-Sawirro

Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Hotel Ambassador-Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In