Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Waqti dheer kaddib Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan
0
Waqti dheer kaddib Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii tobnaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Hodan VS Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan VS Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamyaasha degmada Garbahareey, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqoneysaa afar (4) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, waxa ay iska qaldeen shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha degmada Garbahaareey, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Garbahaareey ay noqotay afar (4) dhibcood.

Labada tartame waxa ay noqdeen isku dhibco, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah, si loo kala saaro tartamayaasha Degmooyinka Hodan iyo Garbahaareey, waxaana la weydiiyay min hal su’aal,.

Su’aasha koowaad oo la weydiiyay tartamayaasha Garbahaareey wey garan waayeen, mana jirin cid ka faa’iideysatay, balse tartamaayasha degmada Hodan ayaa waxa ay iska qaldeen su’aashii dhankooda la weydiiyay, halka ay ka faa’iideysteen tartamaayasha Degmada Garbahaareey.

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka kow iyo tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo Barnaamijka, waxaa ku tartami doona tartamayaasha Degmooyinka Garoowe Vs Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Benaadir.

Sawir Qaade: Maxamed Macalin Xasan White-ka iyo Khadar Cali Nuur

Previous Post

Dowladda Indonesia oo deeq raashin ah ku wareejisay Wasaaradda Gargaarka ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta booqanayo Magaaladda Kismaayo.

Next Post
Madaxweynaha JFS oo hadda kulan la leh bulshada ku dhaqan Degamada Afgooye

Madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta booqanayo Magaaladda Kismaayo.

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

April 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka...

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In