Tuesday, August 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirka Dib-u-hishiinta KGS

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
December 17, 2022
in Wararka
0
War-Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirka Dib-u-hishiinta KGS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadatashiyadii shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed uu ku baaqey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, ayaa lasoo gaba-gabeeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saarey baaq shir dib-u-heshiisiin ah 19-kii bisha Nofeembar 2022-ka, markii uu arkey xaaladaha adag uu maraayo dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed, wuxuu soo jeediyay in la qabto shir dib-u-heshiisiin ah luguna qabto magaalada Baydhabo. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Related posts

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025
Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

August 5, 2025

12-ka bisha Diseembar wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban Xildhibaanada Dowladda Federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo Aqoonyahano,ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Ugu horreyn Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen maamulka heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada qeybahooda kala duwan, waxay aad u soo dhoweeyeen dadaalada Guddoomiyaha uu ugu jiro qabashada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ah oo ka dhici doona magaalada Baydhabo.

14-kii bisha Diseembar Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxey soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee DGKS oo ah halka loogu madlan yahay in lugu qabto shirka dib-u-sheesiinta.

Ugu horreyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen,asigoo soo dhoweeyey dadaalada dib-u-heshiisiinta ah uu wado Guddoomyaha Golaha Shacabka.

Inta uu ku sugnaa Guddoomiyuhu magaalada Baydhabo wuxuu la kulmay odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib-u-heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waxey isla qaateen: –

1- In dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, Culimaa’udiinka ’udiinka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (Fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka mahadcelinayay soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.





Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Shabakad ka tirsaneed Al-shabaab

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaatay Abaalmarinta Shaqsiga

Next Post
Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaatay Abaalmarinta Shaqsiga

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaatay Abaalmarinta Shaqsiga

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya ayaa safar shaqo iyo aqoon kororsi ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Qoyska iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

August 5, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

August 5, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In