Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirka Dib-u-hishiinta KGS

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
War-Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirka Dib-u-hishiinta KGS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadatashiyadii shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed uu ku baaqey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, ayaa lasoo gaba-gabeeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saarey baaq shir dib-u-heshiisiin ah 19-kii bisha Nofeembar 2022-ka, markii uu arkey xaaladaha adag uu maraayo dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed, wuxuu soo jeediyay in la qabto shir dib-u-heshiisiin ah luguna qabto magaalada Baydhabo. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

12-ka bisha Diseembar wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban Xildhibaanada Dowladda Federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo Aqoonyahano,ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Ugu horreyn Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen maamulka heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada qeybahooda kala duwan, waxay aad u soo dhoweeyeen dadaalada Guddoomiyaha uu ugu jiro qabashada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ah oo ka dhici doona magaalada Baydhabo.

14-kii bisha Diseembar Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxey soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee DGKS oo ah halka loogu madlan yahay in lugu qabto shirka dib-u-sheesiinta.

Ugu horreyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen,asigoo soo dhoweeyey dadaalada dib-u-heshiisiinta ah uu wado Guddoomyaha Golaha Shacabka.

Inta uu ku sugnaa Guddoomiyuhu magaalada Baydhabo wuxuu la kulmay odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib-u-heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waxey isla qaateen: –

1- In dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, Culimaa’udiinka ’udiinka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (Fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka mahadcelinayay soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.





Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Shabakad ka tirsaneed Al-shabaab

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaatay Abaalmarinta Shaqsiga

Next Post
Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaatay Abaalmarinta Shaqsiga

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaatay Abaalmarinta Shaqsiga

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In