Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War murtiyeedkii laga soo saaray kulankii madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
War murtiyeedkii laga soo saaray kulankii madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marti qaad rasmi ah oo uu u fidiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalkaasi taas oo qaadatay sadex maalin oo ka bilaabatay 6 – 8 Juune ee bishan.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa uu booqday xeryaha Dhadhaab, isagoo dadka qaxootiga ah u xaqiijiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qaabisho dadkeeda ka soo laabanaya qaxootinimo mudo dheer ka dib xilli lagu guda jiro dib u dhiska dalka iyo soo celinta nabadda iyo deganaansha isla markaana laga shaqeynaayo dib u heshiisiinta.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale u balan qaaday dadka qaxootiga ah in dib u celintooda ay u dhici doonto si waafaqsan nidaamka, isagoo Kenya ugu mahadceliyay dulqaadka iyo deeqsinimada ay u muujisay martigelinta qaxooti intaa la eg muddo rubuc qarni ka badan.

Madaxweyniyaasha labada dal ayaa kulan labo geesood ah waxaa ay maalintii Tallaadad aheyd ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kulanka ayaa dib loogu eegayay arimaha labo dhinac ah iyo kuwo arimo badan quseeya sida nabadda, ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, arimaha dib u celinta qaxootiga iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha ah.

Arimihii ay isku afgarteen labada hogaamiye waxaa kamid ah:

1.Waxaa ay dib u xaqiijiyeen daris wanaaga, isku xirka dhaxalka, taas oo ku dhisan danaha labada dalka isla markaana aheyd xiriir soo jireen ah oo ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

  1. Waxaa ay bogaadiyeen tabaruca ay sameeyeen wadamada Afrikaanka ah ee ku deeqay ciidanka midowga Afrika ee AMISOM si ay u xasiliyaan Soomaaliya kuna shaqeyneya qiyamka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya AMISOM iyo xoogaga amniga ee Soomaaliya taas oo keentay in uu wadanka uu ka soo kabto isla markaana suurtagasho in la hirgeliyo hanaanka sanadka 2016 ee Soomaaliya
  1. Waxay sidoo kale bogaadiyeen doorka Kenya ay ku leedahay xaqiijinta nabadda, amniga, midnimada iyo deganaanshaha Soomaaliya.
  2. Waxaa ay isla qirneed in dadaalada laga sameeyay hanaanka siyaasada Soomaaliya ayagoo muujiyay in ay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada soo socota in ay u dhici doonto sidii loo qorsheeyay taas oo keeni karta wadan xasiloon isla markaana barwaaqo ah.
  3. Sidoo kale waxaa ay isku afgarteen in si wadajir ah looga shaqeeyo arimaha dib u celinta qaxootiga ay u dhacaan si waafaqsan xeerarka bani’aadanimada isla markaana la waafijiyo heshiiskii sadex geesoodka ahaa.
  1. Heshiiska sadex geesoodka ayaa sheegayay in hanaan deg degsiimo ah oo ilaalinaya sharafta iyo bani’aadanimada loo eego dib u celinta qaxootiga Soomaaliya.
  1. Ayaga isku raacay in ay bogaadiyaan isku dayga ah in kor loo qaado iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac taas oo abuuri karta in si fir fircooni ah looga wada shaqeeyo hanaanka ku saleysan heshiiskii sadex geesoodka.
  1. Beesha caalamka ayay ugu baaqeen in taageero ku filan la siiyo dowladda Soomaaliya marka ay qaabileyso dadka qaxootiga ah ee dalka ku soo laabanaya.
  1. Labada hogaamiye ayaa isku raacay in si deg deg ah loo unko guddi labada dhinac ah kaas oo ka shaqeyn doono isla markaana dabagal ku sameeya sida loo fuliyay heshiisyada gaar ahaan dadka isu kala goosha xuduuda, nabadgeliyada, ganacsiga iyo maalgashiga,caafimaadka, ciyaaraha, arimaha dhalinyarada, dhaqanka iyo cilmi baarista iyo isgaarsiinta.
  1. Waxaa ay sidoo kale ku heshiiyeen labada madaxweyne heshiis waqti gaaban ah kaas oo ah arimaha canshuuraha iyo amniga socdaalka duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya waxaana dhowaan la sameeyo hal meel oo arintaas laga fuliyo, iyadoo waqtiga dheerna uu qorshuhu yahay in duulimaad toos ah ay wada yeeshaan Soomaaliya iyo Kenya.
  1. Arimaha gobolka ayaa sidoo kale kamid ahaa waxyaabihii ay ku heshiiyeen, ayagoo isku raacay in guddoomiyaha urur goboleedka IGAD laga tashado in shirka hogaamiyeyaasha ururkaas lagu qabtyo magaalada Muqdisho.
  1. Ayagoo ugu dambeyna dib u xaqiijiyay sida ay ugu go’an tahay in si wadajir ah ugu shaqeeyaan danaha labada dhinac.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaxiibkiisa Uhuru Kenya waxaa uu ugu mahadceliyay  marti qaadka wanaagsan ee uu u smaeeyay .Isagoo madaxweynaha dalka Kenya marti qaad rasmi ah u fidiyay in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya mustaqbalka dhow, madaxweyne Kenyatta wuu aqbalay casuumaadaas.

 

Previous Post

Tartamayaasha degmada Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”

Next Post

AMISOM oo sheegtay in ay ka caabisay weerarkii Al-shabaab

Next Post
AMISOM oo sheegtay in ay ka caabisay weerarkii Al-shabaab

AMISOM oo sheegtay in ay ka caabisay weerarkii Al-shabaab

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In