Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War Saxaafadeed Wadajir ah ayay Maanta soo saareen Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad-Goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo Jubbaland, kaasi oo uu ku saabsan yahay goโ€™aanka GXKHD 14/12/2016-ka ee la doonayo in lagu hor-istaago kuraas loogu doortay deegaan doorashooyinka dalka si sharci ah.

Ugu horreyn waxaan madaxda MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaageynaa qodobbadan hoose: GXKHD goโ€™aankooda iyo habka dacwo qaadistuba ma waafaqsana Qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD oo dhigaya kulamada guddiga oo lagu dhageeysanayo dacwadaha waa inuu ahaado mid u furan dhinacyada ay khuseeyso, Goob-joogayasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha. Haddabba maaddaama kulankii ay yeesheen GXKHD 14/12/2016 aan loo marin habraaca ku xusan qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD , taas waxay caddeyneysaa in ay gaareen goโ€™aamo suuq madoow ah.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Guddiyadu waxaa kaloo ay Warkooda ku xuseen in GXKHD iyo wakiilladoodu xiriir fiican lama laheyn Deegaan Doorashooyinka iyo Guddiyada Doorashada, waxayna caqabad ku noqdeen howlihii doorashada illaa ay meelaha qaar iskood uga baxeen.

โ€œGXKHD marka ay leeyihiin waxaan baarnay kuraas khilaaf ka jiro lama aysan xiriirin Guddiyada shaqada doorashada qabtay, mana aysan baarin dukumentiyada iyo hannaanka ay soo martay doorashadu,
wakiillo uma joogin goobta shaqada qaarkood, mana aysan dhegeysan dhinacyada arrimahani quseeyaan oo dhan, IWMโ€, ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War-saxaafgadeedka waxaa kaloo lagu yiri โ€œGXKHD waxaan ku wargelinay inaysan ku degdegin goโ€™aannadaan oo burburin kara hannaanka doorashada, waxaana kula talinay in la sameeyo baaris dhab ah oo xaqiiq ku dhisan.GXKHD Goaanka ay gaareen waxaan u arkeynaa inuu yahay mid lagu hor istaagayo xildhibaannada sida sharciga ah loo doortay si loogu cadaadiyo inay u hoggaansamaan fulinta ujeeddooyin siyaasadeedโ€.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in sababahaan kor ku xusan awgood goโ€™aanka GXKHD ahaa mid lagu degdegay oo xambaarsan ujeeddooyin siyaasadeed oo ay abaabulayaan musharraxiin
awood dowladnimo haysta, iyadoo lagu caddeyneynaa in goโ€™aanka ay soo saareen Guddiga XKHD oo lagu burinayo doorashada ka dhacday Deegaan Doorashooyinka Soomaaliya uu yahay mid sharcidarro ah oo aan lagu dhaqmi doonin.

War-saxaafadeedka waxaa lagu yiri โ€œMHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba waxaan ku wargelineynaa in doorashooyinka ka dhacay dalka 48 sanno kadib inay u dhaceen si dimoqraadi ah,xor ah oo xalaal ah. Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkaasna in loo baabiโ€™iyo si aan sharci loo marin waxay burburineysaa doorashada dadban ee 2016 taasoo dhammaanteed aheyd rajada kaliya ee Soomaaliya maanta sugeysay. Waxaana qaadi doona masโ€™uuliyadda cawaaqibka ka yimaada goโ€™aankaan ciddii isku dayda inay hirgeliso wax aan sharci aheynโ€.

Waxaa ku saxiixan War saxaafadeedkaasi:-

Guddoomiyayaasha Guddiyada GDGDD
1. Md Khaliif Awcali GDGHDD Dowlad-Goboleedka Puntland
2. Md Cabdi Cali Raage GDGHDD Dowlad-Goboleedka Jubbaland
3. Md Maxamed Cabdullahi Mursal GDGHDD Dowlad-Goboleedka Koofur
Galbeed
4. Md Xuseen Sheikh Maxamed GDGHDD Dowlad-Goboleedka Galmudug

Previous Post

Qalab loogu deeqay Akadeemiyada ciidanka booliiska ee Jeneraal Kaahiye

Next Post

Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Next Post
Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hayโ€™adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In