Wednesday, June 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 15, 2016
in Wararka
0
War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War Saxaafadeed Wadajir ah ayay Maanta soo saareen Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad-Goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo Jubbaland, kaasi oo uu ku saabsan yahay go’aanka GXKHD 14/12/2016-ka ee la doonayo in lagu hor-istaago kuraas loogu doortay deegaan doorashooyinka dalka si sharci ah.

Ugu horreyn waxaan madaxda MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaageynaa qodobbadan hoose: GXKHD go’aankooda iyo habka dacwo qaadistuba ma waafaqsana Qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD oo dhigaya kulamada guddiga oo lagu dhageeysanayo dacwadaha waa inuu ahaado mid u furan dhinacyada ay khuseeyso, Goob-joogayasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha. Haddabba maaddaama kulankii ay yeesheen GXKHD 14/12/2016 aan loo marin habraaca ku xusan qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD , taas waxay caddeyneysaa in ay gaareen go’aamo suuq madoow ah.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Guddiyadu waxaa kaloo ay Warkooda ku xuseen in GXKHD iyo wakiilladoodu xiriir fiican lama laheyn Deegaan Doorashooyinka iyo Guddiyada Doorashada, waxayna caqabad ku noqdeen howlihii doorashada illaa ay meelaha qaar iskood uga baxeen.

“GXKHD marka ay leeyihiin waxaan baarnay kuraas khilaaf ka jiro lama aysan xiriirin Guddiyada shaqada doorashada qabtay, mana aysan baarin dukumentiyada iyo hannaanka ay soo martay doorashadu,
wakiillo uma joogin goobta shaqada qaarkood, mana aysan dhegeysan dhinacyada arrimahani quseeyaan oo dhan, IWM”, ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War-saxaafgadeedka waxaa kaloo lagu yiri “GXKHD waxaan ku wargelinay inaysan ku degdegin go’aannadaan oo burburin kara hannaanka doorashada, waxaana kula talinay in la sameeyo baaris dhab ah oo xaqiiq ku dhisan.GXKHD Goaanka ay gaareen waxaan u arkeynaa inuu yahay mid lagu hor istaagayo xildhibaannada sida sharciga ah loo doortay si loogu cadaadiyo inay u hoggaansamaan fulinta ujeeddooyin siyaasadeed”.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in sababahaan kor ku xusan awgood go’aanka GXKHD ahaa mid lagu degdegay oo xambaarsan ujeeddooyin siyaasadeed oo ay abaabulayaan musharraxiin
awood dowladnimo haysta, iyadoo lagu caddeyneynaa in go’aanka ay soo saareen Guddiga XKHD oo lagu burinayo doorashada ka dhacday Deegaan Doorashooyinka Soomaaliya uu yahay mid sharcidarro ah oo aan lagu dhaqmi doonin.

War-saxaafadeedka waxaa lagu yiri “MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba waxaan ku wargelineynaa in doorashooyinka ka dhacay dalka 48 sanno kadib inay u dhaceen si dimoqraadi ah,xor ah oo xalaal ah. Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkaasna in loo baabi’iyo si aan sharci loo marin waxay burburineysaa doorashada dadban ee 2016 taasoo dhammaanteed aheyd rajada kaliya ee Soomaaliya maanta sugeysay. Waxaana qaadi doona mas’uuliyadda cawaaqibka ka yimaada go’aankaan ciddii isku dayda inay hirgeliso wax aan sharci aheyn”.

Waxaa ku saxiixan War saxaafadeedkaasi:-

Guddoomiyayaasha Guddiyada GDGDD
1. Md Khaliif Awcali GDGHDD Dowlad-Goboleedka Puntland
2. Md Cabdi Cali Raage GDGHDD Dowlad-Goboleedka Jubbaland
3. Md Maxamed Cabdullahi Mursal GDGHDD Dowlad-Goboleedka Koofur
Galbeed
4. Md Xuseen Sheikh Maxamed GDGHDD Dowlad-Goboleedka Galmudug

Previous Post

Qalab loogu deeqay Akadeemiyada ciidanka booliiska ee Jeneraal Kaahiye

Next Post

Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Next Post
Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Wafdi ka socday Q. M. qaabilsana Miinooyinka oo gaaray Cadaado

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In