Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Saxaafadeed: Kulanka Wadatashiga Qaran ee Hindise Sharciyeedka Qabyo-Qoraalka Axsaabta Siyaasadda Soomaaliyeed Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho November 23, 2015 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa soo gunaanaday wadatashi heer Qaran oo socday saddex maalmood kaasi oo looga tashanayay Hindise Sharciyeedka Qabya Qoraalka Sharciga Axsaabta Soomaaliyeed, in ka badan 200 ergo ayaa iskugu yimid kulanka kuwaa oo ka kala socday bulshada rayidka, ururada siyaasadda, maamulgoboleedyada, xildhibaanadda golaha shacabka, wasiiro iyo wakiilo ka socda Dowladda Federaalka ah.

Wadatashigan oo qeyb ka ahaa wadatashiyo socday oo lagu qabtay dalka qeeybihiisa kala geddisan, ayaa wuxuu qeyb ka ahaa dadaal ay Wasaaraddu dooneysay in lagu soo aruuriyo tallooyinka iyo afkaarta bulshada qeybaheeda kala duwan si loo meelmariyo hindise sharciyeedkan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda wadatshigan iyo sidii loo meelmarin lahaa xeerka axsaabta.

“Sharcigani wuxuu laf-dhabar u yahay hanaanka aan dooneyno inaan ku talaabsanno, oo ah sidii dalka loo gaarsiin lahaa nidaam dimuqraadi iyo xisbiyo qaran oo ku tartama aragti siyaasaddeed oo hormarisa dalka iyo dadka” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan.

Wadatashigan ayaa waxaa door buuxa ka qaatay ka-soo-qeybgalayaasha, kuwaas oo soo jeediyay tallooyin wax-ku-ool ah oo ku aadan dhameystirka hindise sharciyeedka. Waxay si gaar ah u tilmaameen in la waafajiyo xeerka axsaabta shuruucda dalka u degsan si loo xaqiijiyo xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda. Sidoo kale ka qeybgalayaashu waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay in la tixgeliyo hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ku meel gaarka ah si loo dhameystiro sharcigan.

Tallooyinka ka soo baxay wadatashiga ayaa loo adeegsan doonaa sidii loogu biirin lahaa hindise sharciyeedkan ka hor inta aan loo gudbin golaha Wasiirada si kadib loogu sii gudbiyo baarlamaanka.

Wasaaradda waxaa ka go’an in sida ugu dhaqsaha badan ay u gudbiso xeerkan golaha Wasiiradda, ka hor intaan loo gudbin Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxa kale oo hoosta laga xariiqay sidii loo soo dhameystiri lahaa shuruucda kale ee loo baahan yahay, sida federaaleynta, doorashooyinka iyo xeerarka aassaasiga u ah sidii dalka loogu soo dabaali lahaa xasilooni siyaasaddeed, nabad iyo horumar la taaban karo.

Previous Post

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Magacowday Afhayeenka Wasaaradda Amniga Ee Maamulkaasi

Next Post

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Kismaayo “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Kismaayo “Sawirro”

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Kismaayo "Sawirro"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In