Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War saxaafadeedka wadajirka ah ee ka danbeeyay booqashada Wasiirrada Arrimmaha Dibadda Ereteria iyo Ethiopia ay ku yimaadeen Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria oo amaanay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda Eretria, Cusmaan Saalax Maxamed iyo asiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Demuquraadiga federaalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho October 17, 2018.

 

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026

Booqashada ayaa qayb ka ah sare u qaadida iskaashiga siyaasiga ah ee ka dhexeeya sedaxda dawladood iyo sii wadadiha hannaanka wada hadalka ee ka dambeeyay heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee madaxda Eretria, Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Asmara September 2018.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wasiirrada oo intii ay booqashadooda ku jireen ugu tagay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirradu waxa ay ka wada hadleen horumarinta qodobadii heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka, waxa ayna xaqiijiyeen in ay ka go’antahay ayna si wada jir ah gacan uga gaysanayaan nabadadda, xasiloonida iyo horumarka gobalka geeska Afrika.

Madaxdu waxa ay dib u milicsadeen horumarka gobalku uu ku tillaabsaday kadib saxiixa heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee dib u furidda xuduudda u dhexeysa Ethiopia iyo Ereteria, iyo dib u amba qaadidda duullimaadyada tooska ah ee caasimadaha sedaxda dal.

Iyaga oo ku hadlaya magaca madaxda dawladahooda, wasiirrada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria waxa ay dib u xaqijiyeen in ay taageersanyihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxa ay ammaaneen horumarka ay dhawaaan dawladdda federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dib u habaynta dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta siyaasadda.

Wasiirrada arrimaha dibadda waxa ay ammaaneen dadaallada dib u habaynta ee ay wadaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, iyo aaminaaddda ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ay ku qabaan hay’adaha dawladda.

Wasiirradu waxa ay ku celiyeen in Ereteria iyo Ethiopia ay sii wadayaan is garab istagga shacbabka iyo hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya si looga mira dhaliyo jarada dib u soo kabashada qarannimada Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxa ay beesha caalamka ugu baaqeen in ay u midoobaan taageerada dadaalladda dawladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso dib u habaynta loo baahanyahay si loo dhiirri geliyso soo kabasahda waqtiga fog.

Wasiirrada arrrimaha  dibadda Eretria iyo Ethiopia ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Iyaga oo dib u xaqiijinaya xushamadda ay u hayaan madax bannaanida, is-dhexgalka gobalka, iiyo isku tiirnaanshada siyaasadeed ee sedaxda dawladood, wasiirradu waxa ay ku celiyeen in ay ka go’antahay ka qayb qaadashada amniga, barqaada iyo xasiloonida gobalka.

Wasiirradu waxa ay ugu dambayn ka mahadceliyeen soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay iyaga iyo wafdi ay hogaaminayeen.

Previous Post

Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria oo amaanay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shaqada ka joojiyay Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shaqada ka joojiyay Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo shaqada ka joojiyay Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In