Doorashada todobo kursi oo Golaha Shacabka ah ayaa maanta lagu dooran doonaa magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb.
Sadex kursi oo doorashadooda ka socoto hoolka dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Jeneral Kaahiye ayaa waxaa labo kamid ah ku soo baxay, xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud oo ku guuleystay kursiga sumaddiisu tahay #HoP244 halka xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HoP037.
Magaalada Dhuusamareeb oo maanta lagu dooran doonaa ilaa affar kursi oo Golaha Shacabka kamid ah, waxaa hadda codeyntiisu socotaa kursiga #HoP248 oo ay ku tartamayaan Saadaq Cumar Xasan iyo Cabdullahi Xersi Diirshe.
Natiijada si dhow ugala soco halkan.