Ururka Daacish ayaa lagu soo waramaya in uu wajahayo guul daro kadib markii duulaan military llooga qabsaday goobo badan oo ay ku suganaayeen Syria iyo Ciraaq.
Maalintii Jimcihii ayaa ciidanka Suuriya sheegay in uu la wareegay gacan ku haynta Deyr Al-Soor halkaasi oo ay ku sugnaayeen koxda Dacish.
Raโiisal Wasaaraha Xeydar Alcabaadiย ayaa sheegay in Al-Qaaโim oo ku taala xadka labada dal u dhexeeya ee Ciraaq iyo Syria kadib howlgal muddo kooban socda.
Ciidanka Ciraaq wuxu sheegay inuu sidoo kale qabsaday goobtii ugu dambaysay ee kaantarool ee ku taallay xadka Suuriya dalku la leeyahay ee ay haysteen kooxda Daacish.
Bishii hore ayaa xulafo reer Suuriya ah oo Maraykanku taageeraa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Raqqa ee dalka Suuriya oo caasimad u ahaan jirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.
Bishii Juulaay ayaa iyadna magaalada Mosul oo ah ta labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq,waxa dagaal mudo bilo ah socday lagaga qabsaday kooxdaas.