Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbaahinnada Dowladaha Soomaaliya Iyo Djibouti oo Iskaashi Yeelanaya “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Warbaahinnada Dowladaha Soomaaliya Iyo Djibouti oo Iskaashi Yeelanaya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socday Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Djibouti kadib markii ay marti qaad rasmi ah ka heleen Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti RTD  C/qaadir Axmed Idiris.

Wafdigan ayaa saakay kulan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa RTD waxaana ay ka wada hadleen abuurista jawi iskaashi iyo wada shaqeyn walaaltinimo ku dhisan kaasi oo dhexmari doona Warbaahinnada dowladaha Soomaaliya iyo Djibouti .

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/fataax Daahir Jayte oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Jabuuti taageerrada walaaltinimo ee ay horey u siiyeen Radio Muqdisho taasi oo aheyd mid qalabeed sanadkii 2010 islamarkaana hada ay diyaar u yihiin dhankooda Radio Muqdisho iyo SNTV iney iskaashi shaqo la yeeshaan dhigooda RTD.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey maamulka sare ee RTD marti qaadka ay u sameeyeen wafdigiisa iyo sida loosoo dhaweeyey waxaana uu ka hadlay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay iska kaashan karaan labada warbaahin dowladeed oo ay ugu sii horeyso qibrad is weeydaarsiga labada dhinac iyo is taageeridooda.

Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti RTD C/qaadir Axmed Idiris oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey wafdiga uu agaasimaha guud hogaaminayo sida ay uga soo jawaabeen casuumaada ay u fidiyeen waxaana uu dhankiisa ka hadlay muhiimada uu leeyahay iskaashi dhexmara warbaahinnada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Kulanka waxaa ku sugnaa injineero ka kala tirsan labada Warbaahin dowladeed waxaana kulanka kadib ay wafdigu kormeereen qeybaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti.

Sawir qaade:- C/qaadir Muxidiin Khaliif

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Next Post

Tababar loo qabtay qeybaha bulshada ee Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post
Tababar loo qabtay qeybaha bulshada ee Beladweyne “SAWIRRO”

Tababar loo qabtay qeybaha bulshada ee Beladweyne "SAWIRRO"

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In