Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin:-Bur-burka Alshabaab iyo Howl-galada Ciidanka Xoogga Dalka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 19, 2018
in Wararka
0
FAALLO: Shabaab oo gubaya Gabaadkoodii ugu danbeeyay

FILE- In this Friday, Jan. 1, 2010, file photo, a young boy leads the hard-line Islamist Al Shabab fighters as they conduct military exercise in northern Mogadishu's Suqaholaha neighborhood, Somalia. Al-Shabab have claimed responsibility for the gun and grenade attack on a shopping mall in Nairobi, Kenya Saturday Sept 21 which has left dozens dead and wounded, apparently in retaliation for Kenya's military participation in peace-keeping efforts in Somalia. (AP Photo/ Farah Abdi Warsameh/File)

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Alshabaab oo ah koox ka been sheegtay Diinta Islaamka iskana dhaadhicisay in ay kaligood Muslim yihiin, Soomaalida kalana u haysata dad gaalo ah ama ka ridoobay Diinta Islaamka waxay dalka Soomaaliya lagu arkay markii ugu horaysay sagaashameeyadii.

Waqtigaas waxay ahaayeen in la tirin karo oo gacmaha lagu soo qabqaban karo, haddii loo dhaqaaqo, laakiin awoodooda xoogga leh waxay la soo baxeen, waagii Maxkamadaha  2006dii..

Related posts

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025

Markii la iska waraystay arintaas iyo cidda fulisay amarkaasna waxay si cad oo bareer ah u sheegteen kooxdaan in ay ka madax banaan yihiin Maxkamadihii Islaamiga ahaa, Maxaakiimtuna kama war hayn kooxdaan mayalka adag ee sida tooska ah uga amar qaadanaysay dad aan u dhalan dalka soomaaliya oo horay u soo gubay kuna soo caasiyey dalalkooda, dhuumaalaysi iyo gaboodna ka soo raadsaday dalkeena.

Gumad iyo xaalufin kasta oo ay dalka iyo dadka u gaysteen kooxdan qawlaysatada ah lama waayin weligeed dad kale oo soomaaliyeed oo rayid iyo ciidanba isugu jira oo ka horyimaada mabda’ooda dad laynta iyo boobka ah iskana celiya, inkasta oo guul laga gaaray baabi’inta kooxdaas dhiigyacabka ah ee inta badan ku gabada magaca diinta islaamka.

Waxaa xaqiiq ah in ay kooxdaani ay yaambo iyo katarabiil ay ka dhigteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan wax la barin iyo dad waawayn oo maangaab ah iyo qaar kale oo nolosha lagu ciririyey waqtigii dagaalada sokeeye.

Hadda waxaa meelo ay ku dhuumaalaystaan oo dalka ka mid ah ka socda Beegsi qurux badan oo aan waxba lagu yeelaynin dadka weli ku hoos nool Alshabaab, taas oo  lagu bartilmaan beegsanayo Amiirada iyo horjoogayaasha Kooxdaas, arintaas oo ay fulinayaan Cutubyo ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed iyo dalalka Saaxiibada la ah oo daqiiqad iyo saacad kasta lagu qaarjinayo xubno sar sare oo qawlaysatada Alshabaab ka tirsan.

Qaar laga soo qabtay iyo qaar kale oo iska soo dhiibay oo u waramay warbaahinta ayaa laga soo xigtay in lagu qalday Diinta islaamka oo aysan aqoon fara badan u lahayn, islamarkaana ay run moodeen, waxaaney intaasi raaciyeen in ay maanta ka shalaayayaan wixii ay Soomaalida kale u gaysteen.

Waxaa hubaal ah in laynta maanta lagu hayo Alshabaab iyo weerarada isdaba joogga ah oo ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed uu noqon doonaa mid looga adkaado qawlaysatada Alshabaab, isla markaana ay mahadin doonaan soomaalida oo dhami.

Waxaa ninkan oo is soo dhiibay haatan uu gacanta ugu jiraa ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ku sugan,iyadoo tani ay qeyb ka tahay firxadka iyo qulqulka maleeshiyada iyo horjoogayaasha Shabaab oo si xowli ah isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya.

Sababaha ugu badan ayaa ah  khilaaf ka dhextaagan Al-shabaab dhexdooda,taasi oo horseeday in xitaa horjoogihii ugu sareeyey Alshabaab uu ka soo cararo halkii horay uu ugu dhuuman jiray waxuuna hadda ku dhuumanayaa Gobolka Gedo sida ay saraakiil ka tirsan sirdoonka Qaranku sheegeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in ay dhisyayaan Ciidan Qaran oo xoog badan kaasoo laga doonaya soo Afjiradda Kooxda alshabaab, isagoo shacabka soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan Ciidamada Qaranka si ay u helaan Niyad wanaagsan oo ay ku dagaalamaan, waana tan maanta horseeday in Ciidanka Qaranka ay qaadaan Howlagaladan lagu tirtirayo Kooxdan Diin-laawayaasha ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyay Howlgaladan ka dhanka ah Kooxda Arxan laawayaasha Shabaab iyagoo sheegay in ay horseedeen Howgaladan kala cararka Kooxda iyo hoos u dhac ku yimid falalkii xumaa ay ku hayeen Deeganada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Uga Dambeyn Khubarada Aqoonta u leh Kooxaha noocan oo kala ah ee Argagixisada iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku micneeyay Howl-galadan Ciidanka Xoogga Dalka oo kaa-shanaya saaxiibada Caalamka in ay hor seedayaan in Dalka laga Ciribtirro Kooxdan Argigixisada Alshabaab, taasoo micneheedu yahay dhamaadka alshabaab.

W/D:Tifaftiraha Guud ee Wakaaladda SONNA

Previous Post

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Cawuşoglu oo booqasho ku imaanaya Soomaaliya

Next Post

Shir looga hadlayo xaaladda Amniga K/Galbeed oo ka furmay Baydhabo

Next Post
Xildhimaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Ma’suuliyiin koonfur galbeed ayaa ka qeyb galay Munaasabad tababar loogu furay labo boqol (200) barre oo ku nool Baydhabo

Shir looga hadlayo xaaladda Amniga K/Galbeed oo ka furmay Baydhabo

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025
0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

September 15, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

September 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In