Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFSโ€Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-Hawlgalada milateri ee dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo si habsami ah uga socda gobollada dhexe ee dalka, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo hoyeen guulo hor leh.

2-Beelaha ku dhaqan gobollada dhexe oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ballanqaadey inay si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, mar uu Madaxweynaha beelahaasi kula kulmey magaalada Dhuusamareeb.

Related posts

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing ee Soomaaliya qorshaha xasilinta deegaannada la xoreeyay.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku adkeeyay shacabka Galmudug inay gacan weyn ka geystaan dhameystirka haraadiga Khawaarijta ee gobollada dhexe ku sugan, mar uu ka hadlayey xafladda sannad guurada 17aad ee aasaaska Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb.

5-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jarey laanta cusub ee Banguga Dhexe ee Soomaaliya ee magaalada Dhuusamareeb.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha Wasiirada Galmudug kula dardaarmey dardar gelinta dagaalka ka dhanka khawaarijta.

7-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la dardaarmey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya hawlgalada lagu xoreynayo degmooyinka Galhareeri iyo Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.

8-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran la Dagaalanka Fikirka Xag Jirka ah eeTubsan.

9-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley xaflad lagu soo bandhigayey sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaatey gudashada Xajka ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha Xajka.

10- Raโ€™iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galey kulan waxbarasho, sheegayna in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xgeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo Muqdisho laga dhisayo.

12-Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

13-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigto deeq Waxbarasho heerka PhD, oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu deeqay in ay ka faaiidaystaan aqoonyahanka Soomaaliyeed.

14-Ciidamada Xoogga Dalka oo cagta mariyay inta badan saldhigyadii Khawaarijtu ka soo duulaan tegi jirtay ee inta u dhaxaysa gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe.

15-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa saaxiibada hawlgalka Maraykanka ee Africom ayaa Degmada Galcad ee Galgaduud ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

16- Ciidanka Kumaandooska Danab oo deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose ku dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

17-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Buulo Fulaay ee Gobalka Bay ku dilay 23 maliishiyaad oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

18-Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka Muqdishoย  ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab oo watayย  gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa

19- Madaxweynaha Hirshabelle Mudaneย  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle.

20-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo ku saabsan abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al Shabab.

21- Wasaaradda Gaashaandhigga oo mar kale u digtay shacabka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin Khawaarijta in ay ka fogaadaan meelaha ay gabbaadka ka dhiganayaan cadowga.

22-Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka dhacay ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku aaddan xoojinta iyo horumarinta hayโ€™adaha dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha.

23- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Muqdisho ka daah-furay shir looga hadlayay arrimo la xiriira ceymiska xoolaha dalka.

24-Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga duulista hawada ee labada dal.

25-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa furay shir wadatashi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo wasaaradaha Kaluumeysiga ee Dowlad Goboleedyada dalka.

26-Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya Mudane Maxamed Barre ayaa hortagay xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka si suโ€™aalo loo weydiiyo.

27-Laba Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay iidanka dowladda ee ku sugan Diinsoor.

28-Ciidanka Booliska ee Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay eedeysane dil u geystey ganacsade caan ah.

29-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa magaalada Dhuusamareb ka furay Shirka Madasha Arrimaha Biniโ€™aadamnimada ee Galmudug..

30-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa wali wadda dhageysiga dacwad musuqmaasuq oo loo heysto saraakiil ka tirsan hayโ€™adaha dowladda.

31-Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 10-sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo dhagar kale ku qaraabanayay.

Previous Post

Washington: Iskaashiga difaaca ee Pyongyang iyo Moscow waxuu ka hor imanayaa Qaraaradii Qaramada Midoobay

Next Post

Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka

Next Post
Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka

Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ๐Ÿ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In