Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 3-da January, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 3-da January, 2025

Ali Ahmed by Ali Ahmed
January 3, 2025
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 3-da January, 2025

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska Jaamacadda SIMAD.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib kulan uu magaalada Djibouti kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay geerida fannaanaddii qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay Mareykanka.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Fannaanadii Qaranka, Luul Jeylaani Cali oo ku geeriyootay dalka Mareykanka.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire.

7-Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in shuruuc laga soo saari doonaa dadka baraha bulshada ka wada hurinta dagaallada qabaa’ilka iyo kicinta bulshada.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay meel marisay heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay haweenka ku bahoobay Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka oo looga hadlayey kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.

10- Soomaaliya oo si rasmi ah ugu fariisatey kursiga xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

11- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka tarjumeyso kalsoonida caalamka ku qabo Soomaaliya.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhigga, Caafimaadka, Tamarka iyo Biyaha iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA) halkaas oo uu warbixin kaga dhegeystay mas’uuliyiinta hay’adahaasi.

13-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galey munaasabadda daah-furka hay’adda Bulsho SACCO oo ka shaqeysa horumarinta ganacsiyada yar yar.

14-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay fannaanadda Luul Jeylaani Cali.

15- Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo qeybaha kala duwan ee bulshada.
16- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo Wasiirka Batroolka iyo Daahir Shire Maxamed ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay dhameystirka shuruucda ka faa’ideysiga kheyraadka dhulka hoostiisa, si looga faa’iideysto kheyraadka dalka.

17- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa digniin ka soo saartay adeegsiga muuqaalada iyo wararka lagu hurinayo colaadaha beelaha dalka ku dhaqan.

18- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo dhexmaray Wasaaradaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dhacdadii deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

20- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka Daahir Shire Maxamed ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

21- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali Xooshi ayaa booqasho shaqo ku tegay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

22- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka.

23- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Gaadiidka Booliska ay ku hawlgalaan Hoggaanka Gaadiidka, Ciidanka Miino Baarka iyo Guutada Ilaalada Madaxda ee Booliska ka tirsan.

24- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay shirka la-tashiga hay’adaha dowladda ee wax ka beddelka Cutubka 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ah.

25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan looga hadlayay wada-shaqeynta arrimaha nabadgelyada la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

26- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa magaalada Mersin ee dalka Turkiga kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaaladaasi.

27- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay qeybo ka mid ah dalka.

28- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay culimada Soomaaliyeed si looga hortago khataraha colaadaha sokeeya ee ka socda qaar ka mid ah dalka.

29- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay ururada siyaasada dalka.

30- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis waqti kula qaatay Shacabka caasimada oo maalmaha fasaxa u damaashaad taga Xeebta.

31- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.

32- Wasaaradda Qorsheynta ayaa qabatey kulan wadatashi ah oo lagu diyaarinaayey Qorshe Hawleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

33- Ciidanka Amniga ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa toogtay ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada kooxda Daacish oo isku dayay inay weeraraan xerada ciidanka ee deegaanka Dharjaale ee gobalka Bari.

34- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay koox dilal geysatay iyo kuwa ka ganacsanayay maandooriye oo lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed.

 

========DHAMMAAD=========

Previous Post

Masar iyo Ingiriiska oo wadahadallo ka yeeshay arrimaha Gaza, Syria iyo Sudan

Next Post

Hay’adda SoDMA oo gargaar ku wareejisay Maamulka KMG ee SSC Khaatumo

Next Post
Hay’adda SoDMA oo gargaar ku wareejisay Maamulka KMG ee SSC Khaatumo

Hay’adda SoDMA oo gargaar ku wareejisay Maamulka KMG ee SSC Khaatumo

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In