Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda

caqiil by caqiil
May 17, 2023
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Arbaco, 17 May, 2023: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Dooxa kulan kula yeelanaya Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay qaraarkii Golaha Wasiirada ee maareynta hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhalinyarada ku booriyay inay door weyn ku yeeshaan siyaasadda dalka, xilli uu ka hadlayey munaasabadda xuska Maalinta Dhalinyarada ee 15 May.

Madaxweynaha, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha XFS iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta 15 May ee dhalinyarada.

Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey Qaraarka Adkeynta Hufnaanta Maareynta Maaliyadda ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabi Barre ayaa kulan sagootin ah la qaatey Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo waqtigii uu dalka ka hawlgalayey uu soo dhammaadey.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo booqasho ay ku qiimeyneyso khasaaraha fatahaadda Wabiga Shabeelle ku tagtey magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho uga warbixiyay xaaladda siyaasadda, amniga, xasilinta, barnaamijyada horumarinta iyo fatahaadihii  Webiga Shabeelle iyo dhibaatooyinka ay geysteen.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha oo lagu hubinayo tayadooda ka hor inta aanay dalka soo galin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka u sharaxay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geystey xubno ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, kadib weerar ay ku qaadeen goobo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanaysay oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Sacuudi Caraabiya ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Sanduuqa ku leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka lagula jiro musuqmaasuga, lana qaadayo talaabooyin adag oo dalka looga suulinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay dafiirka cusub ee Dowladda  Britain u soo magacawdey Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay la fuliyeen Degmada Aw Dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda nootaayada dufcadda saddexaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis iskaashi farsamo ee saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soo Galootiga iyo Xuquuqda Caruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo Sweden kaga qeybgashey shir looga hadlayey tahriibka  oo ay soo  qabanqaabiyeen Midowga Yurub.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE taas oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey furista xuduudda labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal sida

ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed oo London uga qeybgalaya Shirka Tamarta iyo shidaalka Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ka qeybgalaya hordhaca Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta.

Previous Post

Mid kamid ah Markiiba kalluumeysiga Shiinaha oo ku caariyay badweynta Hindiya

Next Post

Qaramada Midoobay: kala bar dadka Suudaan waxay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo

Next Post
Qaramada Midoobay: kala bar dadka Suudaan waxay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo

Qaramada Midoobay: kala bar dadka Suudaan waxay u baahan yihiin gargaar bini'aadannimo

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In