Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha iyo Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo fasaxday shaqaalaha rayi’dka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare uu kala magacaabey inay noqdaan ergo heer qaran oo qaabilsan arrimaha Somaliland iyo xasilinta.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjireyaasha dalalka Djibouti, Canada iyo Cuba.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026

3- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo bogaadiyay Hawlgalka Midowga Afrika xilli ATMIS ay xuseyso sannadguuradeedii 1aad tan iyo markii la dhisay.

4- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo guddoomiyay shir looga hadlayey wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

5- Wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab oo dhowaan bilaabanayaa, kaas oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska oo taageeraya Dowladda Soomaaliya.

6- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga nidaaminta gaadiidka Mooto Bajaajta.

7- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo gargaar aadminimo gaarsiisay Baardheere, Xuddur iyo Mesagawaa iyo barakacayeesha ku nool Gobolka Banaadir.

8- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo loo soo gudbiyay kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

9- Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in guud ahaan la curyaamiyay hannaankii maaliyadeed ee Khawaarijta.

10- Cabdi Xasan Hulbaale oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Khawaarijta Al Shabab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

11- Laba xubnood oo Khawaarijta ka tirsan Bishaar Shardi Maxamed Xasey iyo Yusuf Suleyman Abukar Jirow Salaaxudiin ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

12- Horjooge Xuseen Daahir Maalin Dhegay oo Khawaarijta Al Shabab ugu qaabilsanaa weerarada shacabka lagu waxyeeleeyo ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Ceel Dheer ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Horjooge Calas Ibraahim Axmed Barre ayaa isna lagu soo qabtey hawlgal isla degaankaasi ka dhacay.

13- Ciidamada Xoogga Dalka oo tuulada Makuude ee duleedka Baydhabo ku dilay 14-ka mid ah Khawaarijta Al-Shabaab.

14- Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo bilowday inay gargaar cunto ah u fidiso dadka ku nool degaannada laga xoreeyay Al Shabab, iyadoo la fulinayo hal ku-dhigga Nabad ku Afur.

15- Guddiga Tartanka Adeegga Xajka sanadka 2023 ayaa soo saaray liiska 75 shirkadood oo ku guuleystay bixinta adeegga xajka ee sannadkan.

Previous Post

Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo maalintii labaad socoda

Next Post

Howlgallo lagula wareegay deegaanno hor leh oo ka dhacay Koonfurta Beladweyne

Next Post
Howlgallo lagula wareegay deegaanno hor leh oo ka dhacay Koonfurta Beladweyne

Howlgallo lagula wareegay deegaanno hor leh oo ka dhacay Koonfurta Beladweyne

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In