Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wareegga 1aad ee dacwadda baddeenna oo si rasmi ah u soo gabo gabowday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Barnaamijyada, Caalamka, Maqaallo, Wararka
0
ICJ oo maalintii labaad dhageysatay kiiska dacwadda baddeenna oo ay muranka gelisay Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareeggii 1-aad ee Dacwadda Baddeenna ayaa maanta si rasmi ah u soo gaba-bagoobay..

Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 16-ka Maarso, Ergeda Dalkeenna uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta soo gaba-gabeeyey wareeggii 1-aad ee dood afeedka dacwadda la xiriirta baddeenna.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Xeer Ilaaliyuha Qaranku wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayey dalkeennu ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadii’da caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha. Waxa ay sidoo kale looyaradu si cad u qeexeen xad gudubka dawladda Kenya ay ku hayso badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay.

“Waxaan halkan ummadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta.”

Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobay wareeggii 1-aad ee Dood afeedka badda Soomaaliya. Wareegga 2-aad goorta uu bilaabmayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go’aan ka gaaraysa, iyada oo wargalin doonta wafdiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya.

 

Previous Post

Howlwadeennada Caafimaadka Isbitaalka Banaadir oo qaatay talaalka ka hortagga COVID-19 “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Puntland oo howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay buuraha Golis

Next Post
Ciidanka Puntland oo howlgalo ka  dhan ah Alshabaab ka sameeyay buuraha Golis

Ciidanka Puntland oo howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay buuraha Golis

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In